4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 3 , 2019
Milateriga Suudaan oo 9 qof ka dilay dibadbaxayaasha

Isniin, June, 03, 2019 (HOL) -  Ugu yaraan sagaal qof oo ka mid ah dibad-baxayaasha dalka Suudaan ayaa dhintay, kaddib markii ay ciidammada millatariga weerareen koox ka mid ah bannaanbaxayaasha oo ku sugnaa bannaanka xarunta taliska millatariga ee Khartoum.

Guddiga dhakhaatiirta Suudaan ayaa xaqiijiyay dhimashada sagaalka qof ee geeriyootay, halka ururka Iskaashatada xirfadleyda Suudaan ay waxa hadda ka socda Khartoum ku tilmaameen xasuuq.

Iskudhacyada khasaaraha sababay ayaa ka danbeeyay kaddib marki ay ciidammo ka tirsan milateriga isku dayeen in ay xooog ku qaadaan jidgooyooyin ay dibadbaxayaasha ku kacsan xakunka milateriga ka sameysteen bannaanka xarunta milateriga ee magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

Warbaahinta maxalliga ah ee Suudaan ayaa ku warrantay in ciidammo farabadan oo aad u hubeysan oo la dhigay dhammaan waddooyinka caasimadda, halka dadka bannaanbaxyada wadda ay iyana xirteen qeybo ka mid ah waddooyinka magaalada Khartoum. Dibadbaxayaasha ayaa wacad ku maray in aysan ka tagi doonin bannaanka xarunta looga taliyo millatariga ilaa uu milateriga talada ku wareejinayo dowlad rayid ah.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa ugu baaqay golaha milateriga ee xakuma Suudaan, in ay joojiyaan awoodda ay u adeegsanayaan dadka sameynaya dibadbaxyada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]