4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 3 , 2019
Golaha ammaanka ee QM oo ugu baaqay dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada si dhow inay u wada-shaqeeyaan

Isniin, June, 03, 2019 (HOL) -  Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo soo saarey warbixinta sanadlaha ee xaaladda Soomaaliya ayaa ugu baaqay dowladda federaalka iyo maamul-gobolleedyada in ay dardargeliyaan ka shaqeynta siyaasad loo dhanyahay.

Golaha ayaa sidoo kale u sheegay dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada inay ka shaqeeyaan awood qeybiga iyo kheyraadka dalka, waxaana uu goluhu hoosta ka xariiqay  ahmiyada ay leedahay in xukuumadda iyo dowladaha xubnaha ka ah ay fuliyaan qorshaha amniga qaranka ee uu qeyb ka yahay mid kala guurka ee bixitaanka AMISOM oo uu ayiday mar kale.

Waxaa kalo uu golaha ka codsaday dhinacyadani in ay ka shaqeeyaan fulinta heshiiskii amniga ee shirkii London, kaasi oo qeexaya in labada garab ay ka wada shaqeeyaan sidii dalka looga xoreyn lahaa al-Shabaab.

Golaha ammaanka ayaa sidoo kale si adag u cambaareeyay weerarrada ay al-Shabaab ka geystaan caasimadda Muqdisho iyo gobollada dalka, waxaana dowladda federaalka iyo AMISOM lagu ammaanay dadaallada xasillinta dalka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]