4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 3 , 2019
Singapore oo diyaaradaheedda dagaalka kala hortagtay diyaarad rakaab oo la sheegay in ay bam wado

Isniin, June, 03, 2019 (HOL) -  Labo diyaaradood oo kuwa dagaalka ayay dowladda Singapore u dirtay diyaarad kale oo sidey dad rakaab ah, taas oo la sheegay inay sido walxo qarxa gaar ahaana inuu saaranyahay bam.

Diyaaradda oo ay saarnaayeen 144 ruux oo rakaabka ah waxaa lahayd shirkadda Scoot, duulimaad lambarkeeduna wuxuu ahaa TR385, waxay ka soo duushay Philippines Axaddii, markaas oo booliiska lagu wargaliyay halis ammaanka ku soo foolleh.

Balse waxaa markii dambe caddaatay inaysan diyaarada sidin bam oo ay been tahay,iyadoo wiil 13 jir ah oo aan magaciisa la shaacin  lagu eedeeyay in uu bamka beenta ah ka dambeeyay, isagoo hadda booliska kala shaqeynaya baaritaanka ay waddaan, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Wasiirka difaaca ee dalka Singapore, Ng Eng Hen ayaa  sheegay in Singapore ay hanjabaad kaste ay run u qaadan doonto inta laga xaqiijinayo in ay been tahay, waxa uu inta ku daray ciidammada cirka ee Singapore markaste inay heegan  ku jiri doonaan.

"Labo diyaaradood oo kuwa dagaalka ah ayaa hareeraha ka maray diyaaradda, balse waxaa markii dambe caddaatay in waxa digniinta laga soo diray ay been ahayd." ayuu raaciyay wasiirka difaaca ee dalka Singapore, Ng Eng Hen .

Docda kale, afhayeen u hadlay shirkadda Scoot ee laga leeyahay Singapore ayaa warbaahinta The Straits Times u sheegay in 144 ruux ee rakaabka ahayd iyo lix shaqaale ah ay si nabad ah u cago dhigteen garoonka Changi Airport.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]