4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 3 , 2019
Madaxweyne Donald Trump oo saaka tagaya magaalada London

Isniin, June, 03, 2019 (HOL) -  Madaxweynaha dalka Marekanka, Donald Trump  ayaa maanta ku sii jeeda magaalada London ee xarunta dalka Britain halkaas oo ay uga billaabanayso booqasho rasmi ah oo saddex maalmood ah.

Trump, ayaa ku sheegay booqashada mid muhiim ah,iyadoo ra'iisul wasaaraha Ingiriiska Theresa May ay ku sheegtay booqashada in ay tahay fursad lagu sii xoojin karo calaaqaadka aadka u wanaagsan ee labada dal ka dhaxeeya.

Madaxweynaha Marekanka ayaa inta uu ku suganyahay Ingiriiska waxa uu la kulmi doonaa Boqorada Britain ,Elizabethda isagoo kala qeyb geli doona xus loo sameynayo maalinta loo yaqaan D-Day, xaaskiisa iyo carruurtiisa ayaa safarkan ku wehliya.

Britain iyo Marekanka ayaa siyaasad ahaan ku kala duwan marka ay timaaddo xaaladda Iiraan iyo isbadalka Cimilada Adduunka. Iyadoo arrinta booqashaduna ay taagan tahay, safiirka Maraykanka u fadhiya Britain ayaa ka digay in London ay la macaamisho shirkadda Huawei ee Shiinaha laga leeyahay, gaar ahaanna marka ay timaaddo khadka casriga ah ee 5G loo yaqaanno.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]