4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 3 , 2019
Caddeymo loo waayay lacag $1.7 milyan oo ka timid Soomaaliya oo warbaahinta Kenya ay sheegtay in lagu qabtay garoonka JKIA

Isniin, June, 03, 2019 (HOL) -  Toddobaadkii hore warbixin ay warbaahinta Kenya ka qortay  in Kenya ay ku qabatay garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi shandad aan lala socon oo ay ku jirtay lacag gaaraysa  1.7 milyan oo doollarka Marekanka ah  ayaa hadda caddeymo loo wayay iyada oo la tixraacayo ilo Soomaaliya iyo Kenya ah.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa Kenya oo warbixinta la xiriirta lacagta laga soo xigtay ayaa marka la xiriiriyay sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya,wallow aan la magacaabin, balse warbixinta uu wargeyska baahiyay ayaa lagu sheegay lacagta oo la soo mariyay dhanka Itoobiya shaqsiga iska leh inuu xiriir la leeyahay qoyska madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Arrimahaa oo dhan ayaa hadda la oggaaday inan caddeymo loo heyn oo ay beenyihiin, sida laga soo xigtay ilo kala duwan - balse warbixinta warbaahinta gudaha ee Soomaaliya oo xiganaysa The Star ayaa baahisay, iyada oo xata Hiiraan Online ay ka mid ahayd, balse caddeymo la xiriira oo aan raadinay ayaa ilo kala duwan ay sheegeen lacagta dhab ahaanshiyaheedda inan la caddeyn.

Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay toddobaadkii hore in aysan u oggolaan doonin shandadaha aan lala socon ee ka imaanaya Soomaaliya in ay soo galaan Kenya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]