4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 3 , 2019
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la qabanayo shirar looga hadlayo arrimaha Shidaalka

 

Isniin, June, 03, 2019 (HOL) - Qoraal uu soo dhiggay bartiisa Twitter-ka Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya Maxamuud Cabduqaadir Hilaal ayuu ku sheegay in Shirka koowad lagu qabanayo Turkiga,isla markaana ay ka qeyb geli doonaan Shirkado laga leeyahay dalkaas, kuwaas oo daneynaya Shidaalka Soomaaliya.

Waxaa kaloo uu intaa ku daray in shirka Labaad uu ka dhici doono dalka Mareykanka si la mid ah ay ka soo qeyb-geli doonaan Shirkado laga leeyahay dalkaas,kuwaas oo daneynaya Shidaalka Soomaaliya.

Laakiin ma’uusan shaacin waqtiga rasmiga ah ay shirarkaasi dhici doonaan, balse waxaa la xasuustaa khilaafkii xooganaa ee ka dhashay shirkii looga hadlayay Arrimaha shidaalka ee ka qabsoomay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

 

Waxaa jira dood weyn oo wali ka taagan sharciga Batroolka ee uu dhawaan meel mariyay Baarlamaanka Soomaaliya kaa oo u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada oo horay u dalbaday in arintaa dib loo dhiggo si looga yeesho wadatashi guud.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]