4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 3 , 2019
Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya

 Isniin, June, 03, 2019 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Baardaale ee gobolka Baay ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-shabaab isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee deegaankaa ku sugan.

Sarkaalkan isu oo dhiibay ciidamada dowladda ayaa magaciisa lagu sheegay Ibraahim Ali Mohamed Aadan, waxaana uu sitay qoriga AK47 oo ku hubeysnaa.

Wararka ayaa sheegaya in uu ka mid ahaa Saraakiisha Al-Shabaab ee dhanka Howlgelinta dagaalada qaabilsan gobolada Baay iyo Bakool.

Toddobaadyadii ugu danbeeyay saraakiil ka soo goostay Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibayay ciidamada dowladda, waxaana dhowr sarkaal ay dhawaan iska dhiibeen Gobolka Gedo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]