4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 2 , 2019
Muqdisho: Khasaaro ka dhashay iskahorimaad hubeysan oo ka dhacay caawa degmada Xamar weyne

 

Axad, June, 02, 2019 (HOL) - Ugu yaraan hal qof ayaa geeriyooday afar kalana waa ay ku dhaawacmeen,kaddib markii booliska iyo koox burcad ah ay isku rasaaseeyeen  degmada Xamar weyne.

Taliye ku-xigeenka Booliska, Sakiya Xuseen ayaa sheegtay kooxda burcadka ah ee boolis la-dagaallantay inay dhac u geysteen dad shacab ah oo u adeegganayay munaasabadda ciidda.

"Ciidammada boliiska degmada X/Weyne ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan 3 burcad hubeysan oo dhacaayay shacabka suuqa ka soo doontay adeega ciida. Burcadka ayaa dagaalamay, israsaaseyn ka dib sadaxdii burcad oo mid dhaawac yahay ayaa gacanta lagu dhigay."

"Seddax shacab ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray hal kalena ku dhintay israsaaseynta burcadka oo galay goob dukaan." sida waxaa sheegtay Sakiya Xuseen, taliye ku-xigeenka booliska.

Suuqyada caasimadda Muqdisho ayaa waxaa ka jira mashqul badan, iyadoo dadweynaha ay isku diyaarinayaan munaasabadda ciidda, taas ayaa dhalisay mararka qaar inay kooxo burcad ah dhac u geystaan shacabka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan.com
[email protected]