4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 2 , 2019
Puntland oo cafis u fidisey 121 maxbuus

 

Axad, June, 02, 2019 (HOL) - Puntland ayaa xabsiyada ka sii deynaysa 121 maxbuus, sida ku cad qoraal rasmi ah oo maanta la baahiyay.

“Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Cafis u fidiyey maxaabiis munaasabadda Bisha Ramadaan iyo Ciidul-fitriga awgeed.” ayaa lagu yiri war qoraal oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Maxaabiista cafiska loo fidiyay ayaa ku kala xiran xabsiyada Boosaaso, Qardho , Garoowe iyo Gaalkacyo iyadoo maxaabiista ugu badan laga fasixi doono xabsiga Garoowe.

Balse maamulka ma caddeyn dambiyada ay u xirnaayeen dadka cafis ka faa’iideysanaya. Inkasto marka la gaaro dabaaldegga Ciidda iyo bisha Ramadaan dowlad-gobolleedyada iyo dowladda dhexe ay cafis loo fidiyo maxaabiista dambiyada aan xoogganeyn u xiran.

 

Iman Mohamed Jama, Hiiraan.com
[email protected]