4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 2 , 2019
Dadka xanuunka dhimirka hayo ee magaalada Hargeysa oo dhar Ciid ah loo qaybiyey

 

Axad, June, 02, 2019 (HOL) – Ururada caawiyoa dadka uu hayo xanuunka dhimirka yaa deeq dhar ah gaadhsiiyey shan boqol oo ka mid ah dadkaasi ee ku xidhan cisbitaalka guud ee Hargeysa gaar ahaan qaybta dadka waalan lagu hayo.

Ururdan oo ah kuwo ka shaqeeya dadka uu ku dhacay xanuunka dhimirka ee maskaxda ee ku jira cisbitaalka guud ee Hargeysa iyo kuwo xaafadaha magaaladaba lagu hayo, ayaa sheegay in dadka ay gaadhsiinayaan dharkan ciida iyo cuntooyinkaba ay dhan yihiin shan boqol oo qof oo boqol iyo afartan qof ku jiraan cisbitaalka Hargeysa.

“waxaan maanta ku wareejin doonaa Cisbitaalka guud ee Hargeysa qaybta dhimirka dhar ciidda iyo woxoogaa raashin iyo sharaab ah, waxaana caawin doonaa shan boqol oo qof oo dadka waalan ah, boqol iyo afartan waa inta cisbitaalkan ku jirta, saddex boqol iyo lixdan qofna waxa la gaadhsiin doona dhamaan xaafadaha magaalada iyo labaatan qof oo dadka guryaha ku dhex xidhan ah ayaa la gaadhsiin doonna”sidaas waxa yidhi Cumar Dheere oo ka mid ah ururadda caawiya dadka dhimirka la nool.

Cisbitaalka guud ee Hargeysa qaybta dhimirka ayaa isaguna soo dhoweeyey ururada caawinaya dadka xanuunsanaya ee ku jira cisbitaalka dhimirka.

Sidoo kale, waxa iyaguna ka hadlay ururada kale ee caawiya dadka xanuunka maskaxdi hayo, kuwaas oo kala ah Somaliland Mental Health Support Oraginsation, Nasteexo, Ajardoon, Bilis care.

 

Dadka uu hayo xanuunka dhimirka ayaa ah dadka ugu dayacan wadanka dhexdiisa, isla markaana aan helin cid u naxariisata ama caawisa, waxaana hadda soo baxaya ururo u dhaqdhaqaaqa dadkaasi.

Sidoo kale, waxa Hargeysa bisha ramaadaan quudiya dadka maskaxda ka xanuunsanaya muwaadin isku xil qaamay oo u qaybiya raashin ay cunaan, maadaama oo aanay jirin maqaayadihii ay wax ka cuni jireen, taas oo keeni karta inay gaajo u dhintaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.