4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 2 , 2019
Iiraan oo sharuud ku xirtay wada-hadal ay la yeeshaan Marekanka

Axad, June, 02, 2019 (HOL)- Xukuumadda  Tehran, ayaa sheegtay inay suragal noqon karto mar kale dunidda inay aragto Marekanka iyo Iiraan oo wada-hadalaya, balse taas waxaa la sheegay inay ku dhici karto marka uu Marekanka ixtiraam muujiyo.

Madaxweynaha Iiraan, Xasan Rouhani  oo hadalkaa sheegay wuxuu inta ku daray in aanan cadaadis lagu saarin karin wadahalka, arrinta kale oo Iiraan ay ku dooneyso wada-hadallada inay ku xirto waxaa ka mid ah in cunaqabateenada laga qaado.

Iiraan iyo Mareykanka ayaa bilihii ugu dambeeyay qarka u saarnaa iska hor imaad, sannad kadib markii Mareykanka uu ka baxay heshiis caalami ahaa ee u dhaxeeyay Iran iyo waddamada awoodda leh ee caalamka kaasi oo lagu xaddidayay mashruuca niyukleerka ee Tehran, waxaana markaasi Iran laga qaaday cunaqabteenadii saarnaa.

Marekanka ayaa sidoo kale sannadkii hore dib ugu soo rogtay cunaqabteenada waxa uuna a dhammaan waddamada kale ugu baaqay in ay joojiyaan shidaalka dalka Iiraan looga soo dhoofiyo.

Trump ayaa Isnintii sheegay in Iiraan ay heysato fursaddii ay marlbaad ku noqon lahayd waddan quwad leh iyadoo ay weli hoggaanka u hayaan isla madaxda haatan joogto.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]