4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 2 , 2019
Roobabka oo waxyeeleeyay waddada laamiga ah ee Garoowe iyo Boosaaso


Axad, June, 02, 2019 (HOL)– Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Kormeeray Waddada Laamiga ee xiriirisa gobollada Puntland, gaar ahaan inta u dhaxaysa Buundada Midigar iyo deegaanka Sin-ujiif, taas oo bur-bur uu kasoo gaaray Roobab xoog leh oo ka da'ay Puntland, laamiga go'ay iyo burburka soo gaadhay waddada waxa ay xanibtey isu socodka Garoowe iyo magaalada dekedda leh  ee Boosaaso.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa markuu kormeerkiisa dhammaystay waxa uu ka hadlay waxyeelada Waddooyinka soo gaaray, waxaa uu sheegay in daadadka roobku keeneen bur-bur xoogleh oo soo gaaray waddooyinka hal bowlaha ah, kuwaas oo xukuumaddu u xilsaartay guddi qiimayn ku samayn doona waxyeelada guud ee ka soo gaartay dadka, Xoolaha, Deegaanka iyo Waddooyinka.

Ugu dambayn, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha , Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in shacabka Puntland looga baahan yahay inay ka qayb qaataan dhismaha iyo dayactirka Waddooyinka bur-buray, waxaana uu tilmaamay in goobaha hadda waxyeelada xoogga leh ay soo gaartay 5 sanno kahor ku dhisteen iskutashi , iminkana si lamida taasi in la joogo wakhtigii ay kaalintooda ka qaadan-lahaayeen.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]