4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 2 , 2019
Weerar xalay lagu qaaday xarunta deegaanka Garis-Baaleey ee magaalada Muqdisho

 

Axad, June, 02, 2019 (HOL)-Rag hubeysan ayaa xlaay weerar culus uk qaaday xarunta deegaanka Gari-Baaleey ee magaalada Muqdisho, sida laga soo xigtay qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Wararku waxaa ay sheegayaan in qaar ka mid ah dagaal culus uu halkaa ku dhaxmaray kooxdii weerarka soo qaaday ilaalada xarunta deegaanka oo ku taala dhabarka danbe ee Jaamacadda Shabeelle.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay  maqlayeen rasaas culus oo muddo  labada dhinac is weydaarsanayeen, waxaana markii dambe ay iskeed u  istaagtay.

Ciidamo ka tirsan Booliska ayaa gurmad ahaan ugu tagay xarunta deegaanka, kaddib markii iska hor imaadka uu dhacay.

Waxaa jira khasaare ka dhashay dagaalkaas,iyada oo Goobjoogayaal ay  sheegeen in dagaalka labada dhinac dhaxmaray ay ku dhaawacxmeen laba  ruux, balse ma jirto dhimasho ka dhalatay iska horimaadkan uu ka dhashay.

Deegaanka Garasbaaley ayaa ah deegaan muddooyinkii u dambeeyay  dhismayay, iyadoo deegaankan ay muddo ka jirtay muran ku aadan degmada  uu ka tirsan yahay, inkastoo Maamulka Gobolka Banaadir uu horay u  sheegay inay tahay deegaan beel, balse aanay weli helin aqoonsi degmo  gaar ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]