4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 2 , 2019
Soomaaliya iyo Malaysia oo iskaashi yeelanaya

Axad, June, 02, 2019 (HOL)– Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarunta uu ka degganyahay magaalada Makkah waxa uu wada-hadallo kula yeeshay Ra'iisul wasaare ku-xigeenka Malaysia Marwo Wan Azizah Wan Ismaaciil.

Madaxweyne Farmaajo, iyo Marwo Wan Azizah Wan Ismaaciil ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta iyo waxbarashada farsamada gacanta.

Dalka Malaysia ayaa ka mid ah dalalka caalamka ee sida weyn loogu soo dhaweeyo bulshada Soomaaliyeed, waxaa kalo uu qeyb ka yahay dalal faro-kutiris ah oo u ogal muwaadiniinta Soomaalida inay garoonka diyaaradaha ka qaatan fiisaha dal ku galka.

Kumannaan Soomaali ah oo dalkaa ku nool ayaa u badan arday wax ka barata jaamacaha kala duwan, sidoo kale qoysas iyo dad magangalyo doon Soomaali ah ayaa dalka iyaguna ku nool.

Kullanka uu madaxweynaha la qaatay ra'iisul wasaare ku-xigeenka Malaysia ayaa dhanka kale qeyb ka ah kulamo doceedyo uu la yeeshay qaar kamid ah Madaxda, Boqorrada iyo Amiirrada dalalka Islaamka, isagoona la wadaagay dadaalka Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku bixinayaan horumarka iyo dowladnimada, waxuuna ka codsaday dhankooda in ay sii kordhiyaan tageerada iyo garab istaagga walaalahooda Soomaaliyeed.


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]