4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 2 , 2019
Galmudug oo sheegtay in ay soo bandhigi doonto saanad ciidan oo ay ka furteen Al-shabaab

 

Axad, June, 02, 2019 (HOL) -Ciidamada dowlad maamul gobolleedka Galmudug oo saacadihii ugu danbeeyay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka waday gobolka Galguduud ayaa gaaray deegaanno ay horay gacanta ugu hayeen xoogagga Al-shabaab.

Taliyaha ciidamada howlgalkan sameeyay Cabdullaahi Cabdi Raage ayaa sheegay in ciidamadu gaar ahaan howlgalkooda ka sameeyeen deegaanka Bulacle oo dhawaan la sheegay in ay tageen dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Wuxuu sheegtay taliyuhu in ay halkaa ugu tageen saanad ciidan oo sida uu hadalka u dhigay ay ka carareen xoogagga Al-shabaab dhawaanna warbaahinta u soo bandhigi doonaan.

Waxaa uu ugu baaqay dadka kunool degaanka Bulacle in aysan soo dhaweyn Al-Shabaab, islamarkaana ay la shaqeeyaan ciidanka maamulka Galmudug.

Gobolka Galguduud qeybo ka mid ah waxaa wali maamula oo gacanta ku haya dagaalyahannada Ururka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]