Talaado, June , 11, 2019 (HOL)- Ciidanka milatariga Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa ku soo bandhigay degmada Baardheere labo sarkaal oo horay uga tirsanaa ururka al-Shabaab oo dhowaan isku soo dhiibay ciidammada dowladda.
Ragga la soo bandhigay oo ahaa dhallinyaro ayaa magacyadooda lagu kala sheegay ,Mustaf Ibraahim Isaaq oo al-Shabaab u qaabilsanaa qeybta Sirdoonka iyo Maxamed Xasan Madhaaley oo al-Shabaab u qaabilsanaa Ilaalinta Xabsiyada ee Jubbooyinka.
Taliya ciidammada xoogga dalka ee ururka 49-aad, guutada 10-aad qeybtiisa 43-aad, Dhamme, Cali Maxamed Xasan, iyo Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo, Sheekh Xuseen Isaaq ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan cid kasta oo isa soo dhiibta, kana faa’iideysta baaqii cafiska ahaa ee ay u fidiyeen Madaxda dowladda xubnaha al-Shabaab.
Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa Gobolka Gedo iska dhiibay in ku dhow tobaneeyo Saraakiil, sida ay sheegeen Saraakiisha ciidanka xoogga dalka.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]