Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha Roobka
Sabti, June, 01, 2019 (HOL)- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Rooobka.
Guddiga gurmadka fatahaadaha Roobka ayaa loo xilsaaray in ay soo qiimeeyaan, isla markaasna warbixinno ka soo diyaariyaan baaxadda waxyeelo ee fatahaadaha roobka, ayna wax ka qabtaan waxyeelada ay u geysteen daadadku dadka, xoolaha, waddooyinka, deegaanka iyo saamaynta ay ku reebeen roobabkii ka da’ayey guud ahaan deegaannada Puntland.
Sidoo kale Guddiga gurmadka fatahaadaha Roobka ayaa ka kooban Wasaaraddo, Hay'addo dowliya, Guddoomiyeyaal gobol iyo taliska ciidanka booliska Puntland, waxaana ay leeyihiin guddoomiye, guddoomiye ku-xigeen iyo xoghayn.
Guddiga ayaa kala ah: -
1. Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Guddoomiye
2. Wasaaradda Hawlaha Guud
G/Ku Xigeen
3.Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha
Xubin
4. Wasaaradda Maaliyadda
Xubin
5. Wasaaradda Ganacsiga
Xubin
6.Wasaaradda Xanaanada Xoolaha
Xubin
7.Wasaaradda Deegaanka
Xubin
8.Wasaaradda Caafimaadka
Xubin
9.Wasaaradda Qorshaynta
Xubin
10.Madaxtooyada
Xubin
11.Taliska Ciidanka Booliska
Xubin
12. Hay’adda HADMA
Xoghayn
13.Hay’adda PHA
Xubin
14.Guddoomiyayaasha Gobolada
Xubin
Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha ,Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ku wargeliyey cid kasta oo hawshani khuseyso inay kala shaqeeyaan guddiga, isla markaasna u fududeeyaan wixii hawl ah ee ay u baahdaan, si ay ugu fududaato hawsha loo igmaday.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]