4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 1 , 2019
Somaliland oo sheegtay inay maxkamada saari doonto ciidamadii ka goostay ee ku biirey Puntland

 

Sabti, June, 01   2019  (HOL)- Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa sheegay inuu maxkamada ciidamada saari doonaan saraakiil ka goostay ciidamda Somaliland oo ku biirey Puntland, waxaanu xusay in aanay dib dambe u dhici doonin ciidamo kolba dhinac u carara.

“Ciidamadii ka goostay Somaliland waxay noqdeen qaran dumis wixii maanta laga bilaabana waxa lagu maxkamadayn doona maxkamada ciidamada, waad aragtay inta uu bari halkan soo gallo ayuu barina balkaasi galayaa (marna Somaliland marna Puntland) maalinta uu yimaado ayaa lagu qaadi doona xukunkaasi “ayuu yidhi wasiir Caateeye.

Wasiirku wuxu sheegay in ciidanku dhulka Somaliland meesha uu doono uu tagi doona, isla markaana aanay mar damabe kolba dhinac u carari doonin.

Deegaanadan bariga Sanaag waxa maalmo dhowayd dagaalo goos goos ahi ku dhexmaray ciidanka Somaliland iyo Puntand, taas oo cabsi galisay dadka deegaanka.

Sidoo kale, waxay Somaliland sheegtay inay hadda laga bilaabo joojisay in ciidamo kolba dhinac u goosta oo marna Puntland galla marna Somaliland, waxaanay soo saartay go’aan ah ciidankii ka goosta Somaliland inay maxkamada ciidamada la saari doonno marka uu dib usoo noqdo, taas oo ka duwan nidaamyadii hore u jirijirey.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.