4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 1 , 2019
Ra'iisul wasaare Khayre oo u ambabaxay dalka Qatar

Sabti, June, 01, 2019 (HOL) –  Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa galinkii hore ee Sabtida  maanta u ambabaxay magaalada Dooxa ee xarunta  dalka Qatar.

Faahfaahin badan lagama bixin booqashada uu ra'iisul wasaaraha ugu baxay dalka Qatar, balse qoraal kooban oo uu baahiyay xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa la sheegay kulamo looga hadlayo xoojinta xiriirka labada dal inuu la yeelan doono mas'uuliyiinta dalkaasi.

Socdaalka uu dalka uga baxay ra'iisul wasaare Khayre ayaa ku soo aaddaya iyada oo uu dalka Sacuudiga ku suganyahay madaxweyne Farmaajo oo halkaa uga qeybgalay shirka ururka iskaashiga islaamka.

Qatar waxaa ay ka mid tahay dalalka sida dhow u taageera dowladda Soomaaliya, waxaana toddobaadyo ka hor wada-hadal telefoonka ah yeeshay madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka dalka Qatar, xilligaa oo ay ka wada-hadleen arrimo quseeya labada dal.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]