Sabti,June, 01, 2019 (HOL)-Soomaaliya waxay dhibane u tahay argagaxiso gudaheeda ka jirto iyo beesha caalamka oo dhibaato joogto ah ku heyso hormarka nololeed ee dalkan taagta daran sameyn lahaa waxayna beesha caalamka Soomaaliya gudaheeda kaga dhawaaqeen Dagaal Argagaxisada loogu jiro laakiin shacabka dhibaatadiisa dib ugu soo laabaneyso.
Dagaalka Argagaxisada ka dhanka ah ee beesha caalamka Soomaaliya ka
wado wuxuu galaaftay nolosha Soomaali badan oo aan wax dambi ah galin.
Argagaxisada
waxaa ay shacabka ka dhigtaan gabaad, wey dilaan sidoo kalena il dhaqaale ayay ka dhigtaan si la mid ah beesha caalamka ee Dagaal Argagaxisada kula
jirto dhibaatada ay shacabka Soomaalida ah u geestaan ma yaro ayagoo ujeedkooda yahay in ay argagaxisada bartilmaamed ka dhigtaan ayeey naf iyo
maalba cagta mariyaan, cidna ma weydiiso waxaa ayna u arkaan shacabkaas in ay yihiin kuwo argagaxisada garab siiyaan.
Sidaa darteed
bulshada Soomaaliyeed waa dhari labada dhinac ka gubtay Argagaxisada uma
axsaan falaan sidoo kalena kuwa dhahaan Argagaxisada ayaan dagaal kula
jirnaa iyagana naftooda iyo maalkooda shacabka Soomaalida qiimo uma
lahan waana sababta ugu weyn shacabka Soomaalida noloshooda u maareysan
la’yihiin.
Weerarkii 9/11 iyo Burburintii Al Barakaat:
Shirkaddii
xaawaladda ahayd Al Barakaat waxaa la sameeyay markii Dowladdii Dhexe
burburtay sanadii 1991 kadib markii diyaasbaro dalka ka carartay walaac
badan ka muujiyeen kuna adkaatay sidii eheladooda lacag ugu diri
lahaayeen ee dalka ku sugnaa.
Mudo labo bilood gudaheeda Al
Barakaat waxaa u suura gashay in dhammaan Gobolada Koonfurta Soomaaliya
xarumo ka sameysato si hufnaan ku dheehana qoysaska lacagta ay usoo
diraan eheladooda dibada ku sugan ku helaan.
Laakiin qaraxyadii 11
September 2001 dhaceyn wax walbo ayay badaleen waxayna madaxda
Mareykanka la yaabeyn qoladii weerarka kusoo qaaday si ay dhaqaale ahaan
isugu filnaayeen dhaq dhaqaaq kala duwana u sameeyeen xiligaas waxayna
baadi goob u galeyn cid walbo oo Al-Qaacida dhaqaale ahaan si hoose iyo
si sare u siisay.
Qolooyinka baarista Mareykanka u qaabilsan oo
horeyba ula dhacsaneyn hanaanka Al-Barakaat u shaqeyso oo lacagaha USA
looga diro una gaarto UAE oo xaruntooda dhexe ku taalay ayaa baaritaanka
sare usii qaadeyn.
Cadaadis siyaasadeysan ee dhanka Aqalka cad
kaga yimid qolyihii baarista wadeyn ayaa ku qasbay inay baarista soo
idleeyaan kuna dhawaaqaan in Al Barakaat ay ahayd shirkad Al-Qaacidda
dhaqaale ahaan taageerto sidoo kalena aas aasaha Al- Barakat lagu
tilmaamo inuu Osama Bin Laden saaxiib la ahaa.
Xafiiskii
Al-Barakat waa lagu duulay waana la dhacay waxaana la fariisiyay
ra’sumaalkii ay shirkadaan laheyd sidoo kalena aas aasaha shirkadda
waxaa lagu daray liiska kuwa aan sameyn karin duulimaadyada caalamiga
ah.
Sanado kadib guddoonkii qaabilsanaa baaritaanka weerarkii 9/11
ayaa ku dhawaaqay in Al Barakaat aysan wax qalad ah galin sidoo kalena
aysan wax xiriir ah Al-Qaacidda la laheyn. Laakiin nasiib daro
ra’sumaalkii Al Barakat laga fariisiyay iyo dhacii loo geystay cidna si
sharci ah ma aysan uga hadlin sidoo kalena aas aasaheeda ilaa sanadii
2016 looma ogoleyn inuu duulimaad caalami ah sameeyo.
Al-Barakaat
burburkii loo geystay ee marmarsiiyaha beenta ah hugsanaa wuxuu noqday
hnanaan ay Beesha Caalamka Arrimaha Soomaaliya u wajahaan: Qofkaan waa
Dambiile sidii la rabo halaga yeelo ilaa laga cadeynayo inuusan wax
Dambi ah galin!
Qaladkii Laga Fahmay Maxkamadihii Iyo Soo Shaac Bixidii Al Shabaab:
Mareykanka
markii labaad oo ay Soomaaliya dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan
aafeeyeen waxay dhacday sanadii 2006 kadib markii Midowgii Maxkamadihii
Islaamiga ahaa Muqdisho ka xureeyeen hoggaamiyo kooxeedyadii gacanta ku
heyn jiray, waxay Mareykanka la yaabeyn awoodda maxkamadaha iyo sida ay
Koonfurta Soomaaliya u qabsadeyn ayadoo meesha ka saareen awoodii
hoggaamiye kooxeedyadii.
Sidaa darteed Mareykanka iyo Itoobiya
waxay bilaabeyn inay adduunka ka gadaan in Maxkamadaha ay xiriir la
leeyihiin Al-Qaacidda, waxaana dhacday in ciidamada Itoobiya gudaha usoo
galeen Soomaaliya ayadoo Mareykanka dhaqaale ahaan iyo military ahaan
taageerayo waxayna qabsadeyn Muqdisho sidoo kalena Maxkamidihii meesha
ayaa laga saaray awoodii ay lahaayeen.
Balse iska caabinta iyo
madax adeegga ay la imaadeyn qaar ka mid ah dhalinyarada maxkamadihii
waxay sababtay garab cusub inuu soo baxo oo ah Al-Shabaab kaasi oo
qasaaro ku sababay Itoobiyaanka madaama dagaalka uu waji kale yeeshay.
Waxaa
dhacday in Mareykanka uu kala dilay maxkamadihii wuxuuna sameeyay in
kuwa qunyar socodka ah ee midowgii maxaakiimta ka tirsanaa Muqdisho
loogu yeeray ugu dambeyntiina dalka Madaxweyne waxaa ka noqday mid ka
mid ah kuwii uu Mareykanka ugu yeeray Muslimiinta Qunyar socodka ah.
Dhinaca
kalena Mareykanka wuxuu Al-Shabaab ku daray liiska argagaxisada
caalamiga ah kuna tilmaamay Muslimiin Xagjiriin ah oo aan wax wada hadal
ah lala gali karin.
Dhuun Qabashadii Xawaaladaha Iyo Halis hor Leh:
Qeybta lacag bixinta Mareykanka ayaa gabi ahaanba dhuunta qabteyn
Soomaalidii reer Ameerika ee shacabka Soomaaliyeed lacagaha xawaaladaha
ugu soo diri jireyn. Kadib markii Al-Barakaat meesha ka baxday
xawaaladaha shaqeynayeen waxaa la sheegay in $1.5 billion lacago ah
gudaha Soomaaliya usoo direen.
Xawaaladaha waxaa laga diiwaan
galiyay bangiyada Mareykanka oo ay lacagta dhigtaan kadibna UAE ayaa loo
soo diri jiray sidaas ayay gudaha Soomaaliya kusoo gaartaa. Laakiin
dagaalka beesha caalamka ku heyso argagaxisada waxaa dhacday in
qasnajiga Mareykanka ku wargaliyay bangiyada halista kaga imaan karto in
la marsiiyo lacagaha Soomaaliya loo diraayo oo aan aqoonsi iyo dabagal
laheyn.
Sidaa darteed inta badan bangiyada gudaha Mareykanka ku
yaalo waxay gabi ahaanba joojiyeen adeegii ay xawaaladaha u qaban
jireen. Waxaana dhacday in xawaalado badan lacagahooda boorso ku qaadaan
oo ay sidaas UAE ku geeyaan ayagoo halis aad u weyn la kulmi kareen
dhanka amaan ahaan.
Waa gardaro lagu qaaday xawaaladaha Soomaalida
ee gudaha Soomaaliya lacago usoo diraan ayadoon wax caddeyn ah loo
heynin inay argagaxisada xiriir la leeyihiin.
Curyaaminta Shirkadaha madaxa soo qaadayo ee gudaha soomaaliya ka hawl galaan:
Dhibaatada
lagu hayo dadka Soomaaliyeed in ay nolol maalmeedkooda hormariyaan dibadaha kaliya kuma ekeyn ee xitaa waa la cuuryaamiyaa shirkadaha u istaagaan caawinta dadkooda ee gudaha Soomaaliya ka hawl galaan.
Hagar
daamintaan waxaa ku xeel dheer Kooxda dabagalka Soomaaliya iyo Eriteria
qaabilsan ee UN-ka hoos imaado Monitoring Group for Somalia and Eritrea
(SEMG).
Hay’adan waxay marar badan soo saartay warbixino ay ku
dhaawaceyso kuna cuna qabateeneyso shaqsiyaad iyo shirkado Soomaali ah.
Tusaale ahaan SEMG waxay soo saareen 2006 in Maxkamadihii Islaamiga ah
gudaha Lubnan u direyn ciidan Xisbulaah ka garab dagaalamo waxayna ahayd
warbixin been ah oo aan waxba ka jirin.
Sidoo kale SEMG waxay
eedeyn usoo jeedisay sidoo kalena ay hay’adaha Qaramada mIdoobey ku
dacweysay shacqsiyaad iyo shirkado Soomaali ganacsado ah oo diideyn inay
warbixin ka siiyaan qandaraasyada UN-ka siiyaan, waxayna SEMG soo
saartay warbixin been ah in raashiinka ay WFP deeq ahaan Soomaaliya u
keento suuqa maddow lagu kala iibsado waxayna midaas sababtay in WFP
qandaraasyada kala laabato ganacsatadii Soomaalida ahayd ayadoo warbixin
been ah la adeegsanayo.
SEMG kaliya Soomaaliya dhibaato kuma
heyso sidoo kale labo la taliye oo Bangiga Aduunka ka tirsan ayaa soo
saareyn warbixin ah in Soomaaliya halis dhaqaale oo weyn ku jirto
adeegsiga dhanka lacagaha mashiinka la isugu diro ama hawo ahaan la
isugu diro sidoo kalena macaamiil badan hantidooda halis ku jirto halka
xaqiiqada ay tahay shirkadaha adeega lacagaha hawada loo adeegsado
hayaan kaash ku filan oo magdhow ahaan 100% macaamiisha Soomaaliyeed u
balan qaadayo in hantidooda marnaba lumeyn.
Ugu dambeyntii SEMG
iyo hay’adaha kale ee Soomaaliya dhibaatada ku hayaan waxay u badaleyn
dhibaatada mid siyaasadeysan waxaana midaas caddeyn u ah ciidamada Kenya
inay bur buriyeen sidoo kalena rakaateeyaan qaar ka mid ah shirkadaha
isgaarsiinta ugu weyn Koonfurta Soomaaliya.
Kenya arinkaan wey
beenisay, laakiin shaqaalahooda dhanka ammaanka ayaa xaqiijiyeen bur
burka ay u geysteen shirkadaha isgaarsiinta. Kenya si awood ku dheyhan
waxay ku bur buriyeen 11 xarumood ama Tower sanadii 2011 marka ay
Soomaaliya ciidankooda xoog kusoo galeyn. Sidoo kalena 7 xarumood ayay
bur buriyeen 2018 halka labo xarumo is gaarsiin ay bur buriyeen 2019.
Si
kasto ay Kenya u beeniso burburinta ay isgaariinta Soomaaliya ku heyso
haddana waxaa la yaab ah in saraakiisha dhanka ammaanka Kenya qaabilsan
ay xaqiiyeen inay burburiyeen xarumaha shirkadda Hormuud iyo qalabkooda
ayagoo uga fal celinayaan aar gudasho ahaan in Al-Shabaab ay burburisay
xarumo ay leedahay SAFARICOM oo ah shirkad isgaarsiin oo Kenya gudaheeda
ka shaqeyso.
Markii saraakiisha Kenya la weydiiyay waxa iska
galay weerarka Al Shabaab gudaha Kenya ka geysatay iyo burburinta
xarumaha Hormuud waxay madaxda Kenya ku jawaabeyn “Dhamaantood waa
Soomaali isku mid ayey noo yihiin!”
Soomaaliya waa diidan tahay in ay is dhiibto dhibaato walbo oo lagu haayo:
20-sano
ka hor dadka aqoonyahanada Soomaalida ah waxay Soomaaliya u heysteen
dal dadkiisa aysan hooy heysan madaama ay u nugul yihiin dhibaato walbo
dowlad la’aanta dhacday awgeed.
Dhibaato kasto oo lasoo arkay
Soomaaliya uma hakaneyso waxayna la imaadeyn hal abuur ganacsi iyo
aragti dhaqaale oo ka dhigay kuwa ku adkeysan karo dhibaato walba.
Midda
ugu cajiibka badan ee ah tusaale iftiimayo ayaa ah sida Soomaaliya
dhanka Isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada hormartay kaga gaartay guul
ayadoo Afrika badankeeda shirkado ajaanib ah dhanka isgaarsiinta iyo
tiknoolajiyada u maamulaan.
Bal qiyaas Soomaaliya ganacsi ahaan iyo
hormarka isgaarsiinta/tiknoolajiyada ka gaari laheyd haddii aysan jiri
laheyn dhibaatada joogtada ah ee ku saleysan Argagaxisada gudaha ka
jirto, fashilka dhanka hoggaanka dalka iyo Reer Galbeedka dagaalka ay
argagaxisada kula jiraan oo ay shacabka Soomaalida naftooda iyo
maalkooda ku aafeeyaan.
Waxaa qortay: trtworld.com
https://www.trtworld.com/opinion/terrorising-the-victims-of-terror-in-somalia-27095?fbclid=IwAR3R2FiC2htfZTyDSmJZdDmRw64V2Yfc7JS3OulJn8-wOcnYMQg04izH8Ps