4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 1 , 2019
Qaramada Midoobay oo go’aamisay in 1,000 oo ka tirsan howlgalka AMISOM laga saaro Soomaaliya

Sabti, June, 01, 2019 (HOL) –  Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii go’aamiyay in illaa iyo 1,000 askari laga dhimo ciidammada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM xilli ay wali weerarro ka geysanayaan al-Shabaab caasimadda Muqdisho.

Golaha ayaa sibuuxda ugu codeeyay qaraarkan ciidammada lagu dhimayo AMISOM iyagoona walaac ka muujiyay xaalad amni darro ee dalka Soomaaliya ka jirta.  Qaraarkan ciidammada looga dhimayo hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa soo gudbiyay dowladda Britain si loo yareeyo ciidammada AMISOM  lana gaarsiiyo 19,626 oo askari iyadoona taas badalkeeda la kordhinayo booliiska AMISOM ka joogi doona Soomaaliya.

Qorshahaan ayaa qayb ka ah kii xaaladda kala guurka ah ee lagu heshiiyay sannadkii 2017-kii, iyadoona tan iyo waqtigaas  si tartartiib ah loo dhimayay ciidammada AMISOM.

Qaramada Midoobay ayaa raadinaysa sidii ay xasillooni ugu soo dabaali lahaayeen Soomaaliya xilli dagaallamyaasha al-Shabaab oo ku xiran urur Al-Qaacida uu u jeedkoodu yahay sidii ay meesha uga saari lahaayeen dowladnimada Soomaaliya.

Hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la aasaasay sannadkii 2007-dii iyadoona dowladaha ay ciidamadoodu qaybta ka yihiin hawlagalka AMISOM ay ka mid yihiin Brundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Uganda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]