4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 1 , 2019
12 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Virginia

Sabti, June, 01, 2019 (HOL) – Ugu yaraan 12 ruux ayaa dhimatay lix qof oo kalana waa ay ku dhaawacantay kaddib toogasho ka dhacday dhismo dowladeed oo ku yaalla gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.

Booliska ayaa sheegay in qof careysan oo muddo dheer ka shaqeynayey  wakaaladda korontada uu weerarray dawladda hoose ee Virginia Beach , ka hor intii aanu booliisku toogasho ku dilin qofkii weerarkaas geystay. Balse lama bixin faahfaahin inta ka badan.

Sidoo kale, Booliska ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah askarta uu weerarkaasi kasoo gaaray dhaawac markii ay haleeshay xabbado ay is dhaafsanayeen booliska iyo ninka weerarka soo qaaday.

Dadka goobjooga u ahaa weerarka ayaa qaarkood warbaahinta u sheegay in ay maqlayeen dhawaqa rasaas iyo qaylo dhismaha oo idil qabsatay.

Taliyaha booliska,James Cervera ayaa sheegay in ay ku guulaysteen in dhismaha ay kasoo saaraan shaqaalo badan. Dadka ku dhintay weerarka ayaan wali mas'uuliyiintu ka soo bandhigin macluumaad la xiriira.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]