4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 1 , 2019
Puntland oo heshiis lagu dhisayo deked la saxiixatay shirkad Shiinees ah

Sabti, June, 01, 2019 (HOL) – Puntland ayaa heshiis lagu dhisayo deked cusub oo laga hirgelinayo degmada Eyl la saxiixatay shirkadda China Civil Engineering Construction Corporation Ltd (CCECC).

Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland, Faarax Cawaash iyo madaxa shirkadda CCECC ayaa kala sixiixday dhismo deked kalluumaysi oo casri ah oo shirkaddu ka hirgalinayso degmo Eyl ee gobolka Nugaal.

Dhismaha dekedda ayaa lagu sheegay inay  horumarinayso ka faa'iidaysiga khayaraadda badda, korna u qaadaysa shaqa abuurka iyo dhaqaalaha dalka, iyadoo saxiixa heshiiskan uu goobjoog ka ahaa madaxweynaha  Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo booqasho ku jooga caasimada dalka Shiinaha ee Beijing.

Shirkada CCECC oo hirgelinaysa dhismaha dekeda Eyl ayaa waxaa xarunteeda weyn ay ku taal magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxayna hore u dhistay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, haddana waxa ay Puntland ka waddaa mashariic horumarineed oo ay ugu horreeyaan garoonka diyaaradaha Gaalkacayo iyo wadada Eyl-Dangorayo ee gobolka Nugaal.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]