Sabti, June, 01, 2019 (HOL) – Wararka ka imanaya degmada Gaalkacyo ee
gobolka Mudug ayaa sheegaya in koox hubeysan fiidnimadii xalay halkaa ku dileen
wakiilkii dhinaca amniga ee hay’adaha Qaramada Midoobay ee Galmudug oo lagu
magacaabo Maxamed Cabdi Khayre, kuna magac dheeraa Fiimto.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in marxuumkan la dilay xilli uu ka soo baxay
masjid uu saaladda Taraawiixda kusoo tukaday waxaana dad goobjoog ahaa ay
sheegeen in labo oo dhalinyaro ah oo ku hubaysan bastoolado ay ka toogteen
madaxa.
Laamaha aniga iyo masuuliyiinta maamulka Gobalka
iyo Degmada Galkacyo ee Galmudug kama aysan hadlin dilka sarkaalka, sidoo
kalana lama aqoonsan ciddii ka dambeysay dilka sargaalka, hayeeshee ciidamda
amniga Galmudug ayaa bilaabay howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii ka
dambeeyay dilkaas xalay ka dhacay daanta koonfureed ee galkacyo.
Dhawaan ayeey aheyd markii sidan oo kale kooxo
hubeysan ku toogteen degmada Taliyihii
Howl-galadda ciidamadii xasilinta Gobalka Mudug kaasi oo isagana la toogtay
xilli uu ka soo baxay masjid uu Taraawiix ku soo tukaday, hase ahaatee Laamaha
amniga oo howlgallo bilaabay ayaa tiro dad ah u qab-qabtay dilkaasi kuwaas oo
aan wali warbaahinta loo soo ban dhigin.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]