4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 1 , 2019
Koox hubeysan oo xalay degmada Afgooye ku dishay Nin Oday ah

 

Sabti, June, 01, 2019 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya koox hubeysan habeennimadii xalay degmada ku toogteen nin Oday ah oo lagu magacaabi jiray Cismaan Xaaji Qaasim.

Marxuumka toogashada lagu dilay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa dadka ku dhaqan tuulo hoostagta degmada Afgooye, waxaana la toogtay xili uu ka soo baxay masjid uu ku soo tukaday Salaadii cisha.

Raggii dilka geystay ayaa la sheegay in ay goobta isaga baxsadeen, waxaana halkaasi gaaray Ciidamada dowladda Soomaaliya oo halkaa ka sameeyay baaritaanno la xiriira dilka.

Maalintii shalay ayeey markii magaalada Muqdisho raga bastoolado ku hubeysnaa ku dileen Nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Cabdalla Maaxi oo sida la sheegay ka mid ahaa dadka ku dhaqan degmada Afgooye.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]