4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 30, 2019
Ra’iisul Wasaare Khayre oo ballan qaaday in dowladdu ay si buuxda u daryeeleyso dhaawacyada weerarkii Ex-Kantarool Afgooye
 

Isniin, December, 30, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo xubna ka tirsan guddiga gurmadka qaran ee dhawaan loo magacaabay isku dubba ridka howlaga gurmadka, ayaa maanta garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle kusoo dhaweeyay diyaarad dowladda Qatar, ay u soo dirtay qaadidda qaar kamid ah dhaawacyadii ku wax yeelloobay weerarkii Ex-Kaantarool Afgooye.

Xasan Cali Khayre ayaa dowladaha Qatar iyo Turkiga uga mahad celiyay gurmadka walaaltinnimo ee ballaaran oo ay u fidiyeed dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo qeybta wayn ee ka qaateen dadaallada daryeelka loogu fidinayo dhibbanayaasha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale ku celiyay in dowladda Soomaaliya ay muhiimadda koowaad siineyso bed-qabka iyo daryeelka mawaadiniinteeda, ayna ku dadaaleyso in bukaannadu ay helaan baxnaaninta ay u baahanyihiin.

Diyaaradda Qatar ay soo dirtay maanta oo dowladda soo gaarsiiyay dawo ay qayb ka ah gurmadka, ayaa qaaday 22 mawaadin oo ku dhaawacmay weerarkii Ex-Kaantarool Afgooye, si xaaladooda caafimaad wax looga qabto.

Shalay ayaa dowladda Turkigu waxa ay sidaan oo kale dalkeeda u qaaday mawaadiniin Soomaaliyeed oo qayb ka ahaa dhaawacyadii ka dhashay weerarka  Isgoyska Ex-Kaantarool Afgooye.

Abdiweli M. Sheikh- Hiiraan Online
[email protected]