4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 29, 2019
Diyaarad sidda Dhaqaatiir iyo Daawo oo ay soo dirtay Dowladda Turkiga oo Muqdisho soo gaartay

 

Axad, December, 29, 2019 (HOL)-Dowladda Turkiga oo ka jawaabaysa dhibaatadii ka dhalaya qarixii argagixiso ee shalay ayaa si deg deg ah ugu soo gurmatay dadkii Soomaaliyeed oo dhaawacyadu ay ka soo gaareen qaraxaasi bahalnimo.

Diyaarada sidda dhaqaatiir iyo daawo oo dowladda Turkiga ay ugu  deeqday dadkii dhaawacyadu ay soo gaareen ayaa aroortii hore ee saaka ka  soo degatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo  mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde wafdigaasi dhaqaatiirta ah, iyagoona  guddoomay daawooyinkii dowladda Turkigu ay ugu talagashey dadkaasi dhaawacyada qaba.

Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahad celisay Dowladda Turkiga sida walaaltinimada leh oo ay ugu taagan tahay ka  jawaabista baahiyaha shacabka Soomaaliyeed iyo gurmadyada deg dega ah  xiliyada ay musiibooyinku ay geystaan kooxaha argagixisada ee Alshabaab.

Qarixii shalay ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye ayaa  sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dowladda  Soomaaliya ay xoogga saartay sidii dadka dhaawacyada culus qaba loogu  qaadi lahaa caafimaad dibadda ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]