Sabti, December, 28, 2019 (HOL)- Xildhibaannada Golaha Shacab-ka ayaa maanta oo Sabti ah kulankoodii caadiga ah isugu uga dooddi doona sharciga Doorashooyinka Qaran ee dhawaan loo gudbiyay.
Xildhibaannada ayaa sharcigan siweyn ugu kala aragti-duwan sharcigan oo qaarkood ay ku tilmaameen in uu yahay mid hal dhinac oo kale u daneynaya, laakiin aan ku qotomin rabitaa shacabka ee ah awood doorasho dib gacantooda loogu celiyo.
Balse waxaa dhinaca kale jira xildhibaanno iyaguna difaaca sharcigan oo u arka in uu yahay mid ay tahay sidiisa loo ansixiyo.
Madaxda ugu sarreysa dalka ayaa iyagu dhankoda u muuqda kuwo kalsooni badan ku qaba sharcigan hor yaala Baarlamaanka iyaga oo ugu baaqay xildhibaannada in waajibkooda ka gutaan kaddibna la galiyo codka kalsoonida.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]