Warar dheeraad ah : Iska horimaad dhaxmaray ciidamada badda Puntland iyo burcad badeed
Khamiis, Maarso, 16, 2017 (HOL) - Iska
horimaad leysku adeegsaday hub kala duwan ayaa maanta ku dhaxmaray deegaan lagu
magacaabo Xaabo ee gobolka Gardafuu ciidamo badda Puntland iyo koox burcad
badeed ah oo dhawaan Markab qafaalatay.
Guddoomiyaha deegaanka Xaabo ee iska horimaadka uu ka dhacay oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Ismaaciil
ayaa warbaahinta u sheegay in wada hadal la doonayay in lagu sii daayo Markabka
lagu gacanseyray, taasoo sababtay ayuu yiri in deegaanka ay rasaas ka
bilaabato.
‘’Odayaasha deegaanka oo qorshanaya in si nabad ah lagu sii daayo Markabka
ayaa waxaa dhacday in ciidamada Puntland rasaas ku fureen saxiimad ku sii
jeeday dhinaca Markabka, waxaana is rasaaseynta labada dhinac ku dhaawacmay
labo ruux oo shacab ah, ayuu yiri Maxamed Cabdi Ismaaciil.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu meesha ka baxay wada hadal kasta oo la
doonayay in lagu sii daayo Markabka, kadib markii arintaa ku gacan seyreen sida
uu hadalka u dhigay ciidamada howlgalka ka qeyb qaadanaya.
Ugu danbeyntii, kooxda burcad-badeeda ah ayaa wali gacanta ku haya markabka
lama saadaalin karo sida ay xaalado noqon doonto hadii ay ka dhaga adagyaan
inay siidaayaan Markabkaasi.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]