Diidmada xayiraada Donald Trump oo isa soo tareysa
Jimco, Maarso, 10, 2017 (HOL) - Seddax qobol
ayaa taageeray dacwad uu gudbiyay maamulka gobolka Hawaii oo sharciga la
tiigsaday go'aankii Donald Trump uu ku mamnuucay Muslimiinta lix dal.
Donald Trump ayaa saxiixay amar uu
lix dal oo Musliim ah dadkooda uu 90 maalmood uga mamnuucay safarada
Mareykanka.
Maamulka New York ayaa go'aanka u
arko mid Muslimiinta oo dhan ka dhan ah, halka maamulka Washington uu sheegay
in uu amarka dhaawac gaarsiinayo gobolka.
Gobollada Oregon iyo Massachusetts
ayaa sidoo kale ku biiray dacwadda looga hortagayo in uu amarka Trump dhaqan
galo.
Mamnuucidda waxay billaabaneysaa
16-ka bisha Maarso, ayadoo Aqalka Cad uu sheegayo inuu aad ugu kalsoonyahay in
dacwadda maxkamadda ay ka guuleysanayaan.
Amarkii hore ee Trump oo aad uga
baallaarna midka hadda, waxaa joojisay maaxkamad ka dib dacwad ay horkacayeen
Washington iyo Minnesota oo loo gudbiyay maxkaamad.
Gobollada
maxay u diideen amarka Trump?
Oregon - Wuxuu sheegay in amarka uu dhaawacayo shacabka,
shaqaalaha, jaamacadaha, hanaanka caafimaadka, iyo dhaqaalaha.
Washington - Waxay aaminsan tahay "in sharcidaro ay tahay sida
amarkii hore" uuna dhaawacayo shacabka, inkaste oo uu ka fudud yahay
midkii hore
New York - "Xayiraaddaa Muslimiinta oo magac kale loo
bixiyay", ayuu yiri xeer ilaaaliyaha magaalada
Massachusetts - xayiraaadda cusub "weli waxay tahay midib takoor iyo
sharcidaro. Trump wuxuu iska dhigayaa in uu wanaajinaayo wixii uu ololihiisa ku
baallaan qaaday, uuna ku meel marinayo mamnuucidda Muslimiinta".
Hawaii - Wuxuu ku doodayaa maamulkeeda in amarka uu dhibaateynayo
bulshada Muslimiinta gobolka, dalxiiska, iyo ardeyda ajaaniibta ah.
Xayiradda cusub waxaa la saaray
dadka raadinaya dalku-galka Mareykanka ee ka soo jeedo: Soomaaliya, Iiraan,
Suuriya, Suudaan, Liibiya, Yaman.
Sidoo kale waxay xayiraadda
saameyneysaa qaxootiga ka soo jeedo dhammaan dalalkaasi.
Amarkii hore ee Trump waxaa tuurtay
maxkamad federaal ah, sidoo kale waxaa ka dhashay isu soo baxyo waaweyn oo ka
dhacay gudaha Mareykanka.
Ugu danbeyntii, wali waxaa
xayiraadda cusub loo arkaa in lagu takoorayo muslimiinta
Xigasho BBC
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]