Wariye Axmed Kismaayo oo ku geeryooday dalka India
Arbaco, Augusto, 09, 2017 (HOL) - Allaha
u naxariistee Wariye Ahmed Maxamed Cali (Ahmed Kismaayo), ayaa ku geeryooday
isbitaal ku yaalla dalka India.
Marxumka, ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa uu xaalad caafimaad uu u
joogay Magaalladda Nairobi iyadoo laba todobaad ka hor uu tagay dalka
India.
Axmed Kismayo ayaa la xaqiijiyay saaka aroortii inuu u geeriyooday xaaladii
dhanka caafimaadka aheyd ee haysatay, sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan
ehelada Marxuumka.
Wariyaha ayaa waxaa mudo aad u badan uu lasoo shaqeeyay laanta Afka
Soomaaliga ee BBC-da.
Dhinaca kale Axmed wuxuu ka mid ahaa Wariyayaashii Wasaaradda Warfaafinta ee
Dowaldii Somaliya, markii bur burku uu dhacay wuxuu ka mid noqday aasaasaayaashii
Warbaahinta Puntland, waxaana uu billaabay soo saarista Wargeys madax banaan.
Suxufiyiinta Soomaaliyed ayaa u diray qoyska Marxuumka tacsi, waxaana Alle
ay uga baryeen in Janadii Fardowso uu ka waraabiyo.
Waxaan goor dhow idin soo gudbin doonaa taariikhda marxuumka…
Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia