Bankiga dhexe ee Soomaaliland oo lagu wareejiyay shan milyan oo doolar oo ay bixisay shirkaddii DP World
Talaado,Janaayo , 03, 2017 (HOL) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa si rasmi ah baanka dhexe ugu wareejisay lacag qadarkeedu dhan tahay 5 milyan oo doolar oo kaash ah, taas oo kasoo xarootay shirkadda la wareegtay dekadda Berbera ee DP World oo ka mid ah tobankii milyan ee xaqal qalinka ahaa.
Wasiir Samsam Cabdi Aadan ayaa sheegtay inay lacagtaasi ka mid tahay 10 milyan oo doolar oo sida uu dhigayo heshiiskii DP World iyo Somaliland kala saxeexdeen horaanta sanadkan 2017 kusoo xaroonaysey qasnada dawladda, shantii milyan ee u horeeyey lagu shubayo xisaabta dawladda dhexe uga furan baanka dhexe ee Somaliland.
Munaasibadan lagula kala wareegayey lacagtaasi oo ka qabsoontay xarun baanka dhexe ayaa waxa kale oo isaguna ka hadlay guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Maxamed Cabdi Dhoobaale, Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Beriga Somaliland Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad), kuwaas oo dhamaantood ku dheeraaday mihiimadda ay qaranka u leedahay lacagtaasi ay la kala wareegayeen ee kasoo xarootay shirkadda DP World.
“Maanta oo ay bishu January 2 sanadka cusub 2017, waxa na soo gaadhay lacag ka timid shirkadda DP World ee la wareegtay maamulka dekadda magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, isla markaana lacagtaas oo ah 5 milyan oo doolar oo ah intii hore ah sida balantu ahayd oo naloogu soo diray xawaaladda Dahabshiil oo TFG-deedu ay xisaabiyaha guud soo martay ayaanu ku wareejin doonaa qasnajiga Bangiga dhexe ee Somaliland”ayuu yidhi agaasimaha waaxda cashuuraha beriga Somaliland Maxamed Cawad.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Adaan, waxaanay tidhi “Heshiiskii dekadda Berbera ee aynu la galnay Shirkadda DP World ayaa waxa uu heshiiskaasi dhigayey in marka ay dekadda la wareegayaan sanadka cusub ee 2017-ka inay bixiyaan 10 malyan oo doolar, markaa anaguna bajadka sanadkan 2017-ka ayaanu ku darsnay oo $10 malyan ee doolar shan milyan oo ka mid ah waa kuwaa imika keenay oo waxay soo mariyeen Dahabshiil oo aanu aad ugu mahadnaqayno run ahaantii sida wanaagsan ee muwaadinimada leh ee ay noo soo gaadhsiiyeen iyaguna, 5 malyan ee doolar ee kalena way keenayaan dhawaan Insha Allaah”.
Wasiir Samsam Cabdi Aadan iyadoo hadalkeeda sii wadata waxay intaasi raacisay “Lacagtaa ay na soo gaadhsiisay DP World anaguna waxa aanu ku wareejinaynaa Baanka Dhexe oo lacagtani waxay ku dhacaysaa Accoun-ka la yidhaahdo Account 11, iyadoo aan akoon 11 lacag laga saari karin ilaa ay foojar ku dhacdo, iyadoo uu foojarkaasi xisaabaadka kasoo bilaabmayo oo uu hanta-dhawrka soo marayo. Markaa waxa aynu la sugi doonaa Insha Allaah 5 Malyan ee doolar shantii kale oo iyaduna dhawaan sida qorshuhu yahay ina soo gaadhi doonta Insha Allaah, marka ay $10 ee doolar inoo wada yimaadaan ayey dakhliga toos u galayaan oo imika 5 malyan ee aad arkaysaan baanka dhexe ayaa xaraynaya oo marka ay inta kale timaado ayuu baanka dhexe hadana insha allaah inagala wareegi doonaa, isla markaana waxaan jeclahay inaan TFG-gana inaan guddoomiyaha baanka ku wareejiyo”.
Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Maxamed Cabdi Dhoobaale, waxaanu yidhi “Lacagtaas shanta milyan ee doolar ee aad arkaysaan waa dakhli dawladeed oo waxay kasoo xarootay DP World, iyadoo nidaamka la sheegay soo martay ee Dahabshiil ilaa cashuuraha barriga isla markaana waxay ku dhacaysaa akawn 11 oo dakhliga dawladda dhexe kusoo dhacdo, iyadoo sida ay wasiirku sheegtay sifihii sharciga ahaa uga baxaysa oo soo maraysa xisaabaadka ilaa hantidhawrka, markaa waxaanu bulshadda u sheegaynaa uun in lacagtaas horaanteedii na soo gaadhay oo aanu kala wareegnay wasiiradda”.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland