4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 28, 2016
Wasiirka Howlaha Guud oo Tababar la xiriira ka faa'iideysiga Qorraxda kusoo xiray Muqdisho (Sawirro)
Arbaco, September 28, 2016 (HOL) — Wasiirka Hawlaha Guud ee Somalia, Inj. Saalx Sheekh Cismaan ayaa maanta Muqdisho kusoo xiray Tababar ku saabsanaa sida looga Faa'iideysan karo Qorraxda, loona hir-galin lahaa nalalka ku shaqeeya cadceeda.

Tababarkan ayaa socday laba maalmood, waxaan xiritaankiisa ka qayb-galay xubno ka tirsan Wasaaradaha Hawlaha Guud oo uu Hoggaaminayay wasiirka, maamul-goboleedyada qaarkood iyo Mas'uuliyiin kale oo Wasaaradaha kale ee Xukuumadda Soomaaliya.

Dhinacyadii ka qayb-galay tababarkan oo metelayay Maamul-goboleedyada Dalka, ayaa labadii casho ee uu socday waxay ku baranayeen sida loo hirglin karo nalal ku shaqeeya cadceeda. iyagoo munaasabadda xirtaanka ka ballan-qaaday inay barnaamijka ay gaarsiin doonaa Gobollada Somalia, Gaar ahaan kuwii ay ka yimaadeen.

Sidoo kale, waxay munaasabada kusoo bandhigeen baahiyaha deegaannadoodu u qabaan arrintan, iyadoo dhinacyadu ay isku raaceen Qodobbo dhawr ah oo uu ugu horreeyo ka faa'iideysiga Qoraxda, maadaama Somalia lagu tiriyo dalalka ugu qorraxda wanaagsan caalamka.

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Dib u dhiska, Inj. Saalax Sh. Cismaan oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in qorshaha Wasaaradiisu uu ka mid yahay shaqo-abuur loo sameeyo dhallinyarada, si isku filnaan loo gaaro, sidoo kale wuxuu xusay in ay Wasaaraddiisu wado Qorshayaal muhiim ah oo ku saabsan ka  faa'iideysiga khayraadka dalka.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa u soo jeediyey Xubnhii ka socday Maamullada dalka in ay Dadaal u galaan sidii looga faa'iideysan lahaa Qorraxda oo uu sheegay inay tahay mid muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed maadaama looga faa'iideysan karo adeegyada guud ee bulshada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya