4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 24, 2016
Shirkadda Pure Earth Somalia oo Heshiis La Gashay Shirkadda kompiyuutarada ee Toshiba

/images/2016/Oct/
Isniin, Oktober 24, 2016 (HOL)-Shirkadda Pure Earth International oo ah shirkad Soomaaliyeed, fadhigeeduna yahay Dalka Imaaraadka Carabta iyo shirkadda samaysa qalabka kombuyuutarada ee Toshiba ayaa heshiis ku kala saxiixday Magaaladda Dubai ee  Dalka Isu-Taga imaaraadka Carabta.
      
Heshiiskan oo ka dhacay magaalada Dubai xarunta guud ee Toshiba qaybteeda Bariga Dhexe iyo Africa , waxaa Shirkada  Pure Earth u matalayay madaxda shirkada Maxamed Cabdirashid Cali iyo, Maxamed Xasan Mahdi, dhinaca Toshiba  waxaa ka socday Bastian James oo ah madaxa qalabka Toshiba Bariga Dhexe iyo Africa iyo Sanjay Alex madaxa iibka Africa ee shirkada Toshiba .

Heshiiska wuxuu  ku salaysnaa in shirkada Pure Earth ay Wakiil uga noqoto  Shirkadda Toshiba wadamada Somalia Iyo Djibouti.

"Waxa heshiiskan uu soo kordhinayaa in qalabka teknolajiyada ee Toshiba, si sahlan looga heli karo wadamada Somalia iyo Djibouti, islamarkaana qalabka Toshiba uu yeelan doono warranti markay ciladooban" ayuu yiri Maxamed Cabdirashiid.

"Macaamiiashena dalka joogaa waxay heli doonaan qalabka ay shirkada Toshiba soo saarto , kuwasoo cusayb ah, qiimo jaban, tayadooduna ay aad d u sarayso" ayuu sii raaciyay.

Cabdirashiid wuxuu intaa kudaray  â€œshirkada Pure Earth  waxay jumlo ahaan uga iibin qalabka Toshiba shirkadaha kale ee dalka gudihiisa ku iibiya  qalabkan " ayuu yiri  Maxamed Cabdirashiid.

Sanadkii 2014tii, Shirkadda Technoolagiyada ee Pure Earth waxay heshiis wakiilnimo wadamadda Soomaaliya iyo Djibouti la gashay shirkada D-LINK oo samaysa qalabyada kala duwan oo loo adeegsado Internetka.  Waxa sidoo kale sanadihii tagay, shirkadu heshiis wada shaqayn ah la yeelatay shirkadaha HP, Lenovo, APC, Microsoft iyo Cisco. 

Shirkadda Pure Earth international ayaa kamid ah shirkadaha ka ganacsada qalabka tiknoolajiyadda, islamarkaana keenta wadamada Somalia iyo Djibouti.  Waxay sidoo kale shirkadu leedahay shirkadaha Pure Tech Retail chain iyo, Pure Tech solutions.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]