4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 18, 2016
Ergayga IGAD ee Arrimaha Somalia oo Mar kale gaaray degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan


Isniin, July 18, 2016 (HOL) — Ergayga urur gobolleedka IGAD Max'ed Cabdi Afey, ayaa goor dhaw oo maanta ah mar kale soo gaaray magaalada Beledweyne, waxaana waqtigan soconaya kulan uu la qaadanayo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

Shirka labada dhinac oo ah mid ay albaabada u xiran yihiin ayaan la ogeyn wax yaabaha looga wadda - hadlayo, waxaana socdaalkan uu noqonaya kii saddexaad oo wafdi ka socda Ururka IGAD ku tagaan magaalada Beledweyne.

Gaar ahaan safarka danjiraha ee maanta ayaa imanaya wax ka yar todobaad kulan ku soo dhamaaday natiijo la'aan oo magaalada Beledweyne ku dhaxmaray duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan iyo wafdi isugu jiray IGAD iyo Itoobiya oo ay ka mid ahaayeen Amp, Max'ed Cabdi Afeyn iyo Jen Gabre.

Inkastoo ilaa iyo hadda aan faah faahin rasmi ah laga helin gunta wadda hadallada wafdiga iyo Ugaas Xasan, hase ahaatee waxaa muuqata in wali uu taagan yahay khilaafka qorshaha dhismaha maamulka labada gobol.

Ugu dambeyn Kulankii u dambeeyay ee ka dhacay Beledweyne ayay xubnaha urur gobolleedka IGAD ku  wargaliyeen duubabka dhaqanka wixii go'aamo ah ee ka soo baxa bulshada reer Hiiraan in hawada ay u soo mariyaan beesha caalamka, balse lama oga  ujeedada  socdaalka danjiraha uu mar kale ku soo gaaray magaalada Beledweyne.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa...

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya