4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 18, 2016
Ciidammo ka tirsan kuwa Ammaanka Itoobiya oo lagu laayay Magaalada Gonder ee Dalka Itoobiya


Isniin, July 18, 2016 (HOL) — Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in 11 Askari oo ka tirsan ciidanka Ammaanka Waddankeeda lagu laayay Magaalada Gonder oo ku taalla Waqooyiga-galbeed Itoobiya.

Dowladda Itoobiya, ayaa ku eedeynaysay inay Rabshadahan soo Abaabushay Dowladda Eritrea oo uu dagaal kala dhexeeyo, balse warar kale ayaa sheegaya in Bannaan-bax Qoymiyadda Amraaxada ay ka dhigeen magaaladaas ay dhibaatadani ka dhalatay.

Sidoo kale, Wararka ayaa intaa ku daraya in Shacab Amraaxada ah ay kasoo Hor-jeeday in Dhulkooda uu ku darsamo Gobolka Tigray ee Waddanka Itoobiya.

Waddanka Itoobiya ayaa sidoo kale waxaa u saameeyay banaan-baxyo ay sameeyaan dad ka soo jeeda Qowmiyada Oromada ee Waddanka ugu badan, kuwaasoo iyaguna kasoo horjeeday in qayb ka mid ah Gobolkaas lagu daro Magaalada Addis Ababa.

Ugu dabmeyn, Xukuumadda Asmara - ayaan weli jawaab ka bixin eedda ay u soo jeedisay Itoobiya ee ah inay iyadu abaabushay rabshadii 11-Askari lagu dilay ee ka dhacay magaalada Gonder.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya