4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 18, 2016
Cayaar Adag oo XALAY Dhex-martay Cayaartoy Caan ka ah Kubada Catgta Adduunka (SAWIRO)


Isniin, July 18, 2016 (HOL) — Kulan adag ayaa xalay dhex-maray Cayaartooy caan ku ahaa Kubadda Cagta Caalamka, balse hadda ka dheela horyaalka MLS-ka ee Waddanka Maraykanka.

Kulankan, ayaa dhexmaray Kooxaha kala ah; Montreal Impact iyo New York City, waxaana cayaartan dheelayay Cayaaryahanno ay ka mid ahaayeen; Frank Lampard, David Villa iyo Andrea Pirlo, kuwaas oo u dheelayey Naadiga  New York City oo uu ka yahay macallin Patrick Viera.

Sidoo kale, Kooxda Montreal Impact ayaa waxaa iyadana u cayaarayay Weeraryaahankii Caanka ahaa ee u cayaari jiray Kooxda Chelsea ee dalka Ingiriiska, Dider Drogba kaas oo kooxdiisa 3-1 lagu Suul-daaray.

Ugu dambeyn, Naadiga New York City, Waxaa Goolashii ay ku badisay - laba ka mid ahaa u dhaliyay xiddigaha caanka ah ee David Villa iyo Frank Lampard, waxaana guushan muhiim ay u ahady naadiga uu hoggaamiyo xiddigii hore ee xulka Dalka France iyo Arsenal Patrick Viera.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya