4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 18, 2016
Xoghayaha Guud ee QM oo Arrimaha Qaxootiga Soomoalida kala hadlay Mas'uuliyiinta Kenya


Isniin, July 18, 2016 (HOL) — Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon, ayaa axadii shalay kulan la qaatay madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta isagoo kala hadlay xaaladda Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha ku yaal wadanka Kenya.

Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki Moon ayaa khudbadii uu ka jeediyey shirka jaraa’iid ee lagu qabtay madaxtooyada kenya ee magalada nairobi ka sheegay in uu ugu baaqayo dalka Kenya inuu dhowro sharuucda caalamiga ah ee uu wadankaasi saxiixay ee ku aadan xaquuqda Qaxootiga.

Ban Ki Moon ayaa sheegay inuu hada kahor labo goor uu booqday xeryaha qaxootiga isla markaana uu si weyn uga wal walsanyahay xaalada adag oo ay dadka qaxootiga ku noolyihiin.

Xoghayaha Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa ugu mahadnaqay wadanka Kenya sida uu usoo dhaweeyey qaxootiga ka yimid dalalka jaarka la ah iyo xeryaha wadankaasi ku yaal isagoo sheegay in Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee xeryahaasi ka shaqeeya ay ka qeyb qaadan doonaan sidii loo xoojin lahaa adeega lasiiyo qaxootiga mudada dheer xeryahaasi ku nool.

Sidoo kale, Ban Ki Moon wuxuu si aad ah usoo dhaweeyey kaalinta lixaadka leh oo ay dowlada Kenya ka qaadaneyso xasilinta iyo nabad kusoo dabaalida dalka ay dagaalada aafeeyeen islamarkaane jaarka yihiin ee Soomaaliya madaama soomaaliya ay haatan isku diyaarinayo Doorashooyinka .

Dhanka kale madaxweynaha dalka kenya Uhurru Kenyatta oo hadalka qaatay ayaa dhankiisa ka hadlay arrimaha Amaanka ee wadanka Kenya oo uu sheegay in khatar ku hayaan kooxaha xagjirka ah gaar ahaan al shabaab oo weerara badan ka fuliyay gudaha dalka kenya

Si kastaba labadan hogaamiye ayaa ka wadahadlay arrimaha dagaalada ka socda wadanka Sudaanta Koonfureed waxaana ay si wada jir ah ugu baaqeen hogaamiyayasha dalkaasi in ay ilaaliyaan nabada iyo jiritaanka dalka yar ee dunida ku cusub

Cumar Muxumed Maxamed (Kiyow )
[email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika