4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 18, 2016
Dalka Morocco oo Doonaya Midowga Afrika inuu Dib Ugusoo Biiro 32 Sano Kadib

Boqor Maxamedka 6aad ee Morocco mar uu bishii hore la kulmay madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame/xaquuqda masawirka/BBC


Isniin, July 18, 2016 (HOL)-Dalka Morocco ayaa ka maqnaa ururka Midowga Afrika 32dii sano ee ugu dambeeyay kadib markii uu isaga baxay midowga khilaaf ka dhashay lahaanshiyaha Galbeedka Sahara aawadii.

Farriin boqorka dalkaasi usoo diray midowga Afrika gaar ahaan waqtigaan oo madaxda midowgu kushirsan yihiin Rwanda ayaa uu ku sheegay in haatan la gaaray waqtigii dalkiisu uu dib midowga usoo gali lahaa.

Boqorka dalkaa, Maxamed VI (Maxamedkii 6aad) ayaa arinkaa shaaciyay ayadoo dalkaasi ka baxay 1984 midowga kadib markii ururku aqoonsaday madax bannaanida dalka Galbeedka Sahara (Western Sahara) oo Morocco sheegato inuu yahay qeyb ka mid ah ee uusan ahayn dal gaar ah.

Morocco ayaa Galbeedka Sahara looga yaqaan 'gobolada koofureed'. Muddadaa 30ka sano ka badan ayaa dawlada Morocco diidanayd inay midowga kusoo laabato.

Intaa waxaa dheer in bishii Maarso ee isla sanadkaan dalkaasi ku hanjabay inuu ciidamadiisa kala bixi doono hawlgalka nabad ilaalinta ee QM arintaa muranka dhalisay aawadeed.

Haataan ayaa waxaase dawlada dalkaasi garowsatay in ka maqnaanshiyaha ay ka maqan tahay midowga inuusan wax ka tarin arinka galbeedka Sahara isla markaana arimo kale ay ku dhaafayaan sidaa.

Asbuucaan ayay dawlada dalkaasi ergay gaar ah usoo dirtay hoggaamiyeyaasha Afrika ee kushirsan caasimada Rwanda ee Kigali.

Si kastaba ha ahaatee, Morocco ayaa ah dalka qura ee qaarada Afrika aan asagu kujirin hada Midowga Afrika waxaana la filayaa in dhawaan uu dib ugu soo laabto midowga.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]