4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 18, 2016
Nkosazana Dlamini Zuma: Colaadaha Afrika Waxay u Baahan Yihiin Xal Dagdag ah

Nkosazana Dlamini Zuma


Isniin, Luuliyo 18, 2016 (HOL)-Guddoomiyaha ururka Midowga Afrika Nkosazana Dlamini Zuma ayaa shirka 27aad ee madaxda Afrika ee haatan ka socda Kigali Rwanda ka sheegtay in loo baahan yahay in si dagdag ah wax looga qabto dagaalada ka jira qaarada.

Sidoo kale ayaa madaxweynaha Chad Idris Deby wuxuu ugu baaqay darafyada dagaalka ka wada Koofurta Suudaan inay durba dirirta joojiyaan ayna nabadda qaataan. Wuxuu sidoo kale walaac ka muujiyay colaadaha ka aloosan Soomaaliya iyo Burundi.

Wuxuu dalka Koofurta Suudaan madaxdiisa, waa Madaxweyne Salva Kiir iyo madaxweyne ku-xigeenka Riek Machar ugu baaqay inay qaddariyaan heshiiskii nabadeed ee sanadkii lasoo dhaafay lagu saxiixay Addis Ababa Itoobiya.

Wuxuu kaloo sheegay in loo baahan yahay in ciidamada Afrika ee heeganka ah (Africa Standby Force) la geeyo dalalka colaadaha sokeeye ay kasocdaan si ay u joojiyaan colaadahaa. 'Dhibaatooyinka aanu wajahayno laguma xallin karo hababkii hore. Waxaanu u baahan nahay inaanu ku wajahno qaabab cusub'. Sidaa ayuu yiri. 

Wuxuu sheegay in ansixinta qarash qaaradu leedahay la filiyo inay aad wax uga tarto soo celinta nabadda iyo ammaanka qaarada.

Deby wuxuu sheegay in hadii nabadi aysan jirin barnaamijyada hanka weyn ee qaarada aysan socon doonin. 'Xubnaha oo dhan ha bixiyaan qarashka qaaraanka ah si loo dhimo kuxirnaanta qarash shisheeye', sidaa ayuu yiri.

Nkosazana Dlamini Zuma ayaa ku baaqday ayadu in la dhowro xaquuqda saxaafada iyo hadalka dhammaan qeybaha qaarada si horumarka loo dardar galiyo.

Qaarada Afrika ayaa haatan waxaa ka jira dhibaatooyin badan gaar ahaan colaado iyo barakac gaar ahaan dalalka Soomaaliya, Burundi, Koofurta Suudaan iyo Liibiya.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]