4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 18, 2016
SAWIRRO: Shir-madaxeedkii 27-aad ee Ururka Midowga Afrika oo ka Furmay Magaalada Kigali


Isniin, July 18, 2016 (HOL) — Magaalada Kigali ee Caasimadda dalka Rwanda ayaa waxaa ka furmay Shir-madaxeedkii 27-aad ee Midowga Afrika, kaas oo ay Qayb-galayaan Hoggaamiyeyaal uu ka mid yahay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkan oo socon doona muddo laba casho, ayaa waxaa ajandayaasha ugu muhiimsan ka mid ah isla meel dhigista miisaaniyadda Ururka Midowga Afrika oo la doonayo in qaaradda isaga filnaato, Doorashada Hoggaanka Cusub ee Guddiga sare ee Midowga Afrika, Xasaradda ka Aloosan Koonfuurta Suudaan iyo arrimo kale.

Waxaa kaloo shirkan lagu soo bandhigay laguna Daah-furay Baasaboorka cusub ee qaaradda Afrika ka dhexeyn doona, oo la filayo inuu fududeyn doono isku socodka dadyowga ku dhaqan qaarada.

Waxaa hal-ku-dhegga sannadkan ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika uu yahay Dhowrista Xuquuqda aadanaha qaaradda, iyo weliba Xuquuqda Haweenka.

Furitaanka rasmiga ee shirkan ka hor, waxaa madaxda ay yeesheen shir albaabada ay u xiran yihiin oo lagu lafa-guray umuuro badan oo la xiriira horumarka qaaradda Afrika.

Shir-madaxeedka sannadkan waxaa barbar socday shir ay isugu yimaadeen madaxda Urur-goboleedka IGAD, oo ka dooday colaadda Jamhuuriyadda Koonfuurta Suudaan, waxaana laga soo saaray baaq lagu dalbanayo xabbad joojin waarta, in Qaramada Midoobay ay kordhiso, isla markaana xoojiso awoodda ciidanka nabad ilaalinta ee dalkaasi jooga iyo in hannaanka siyaasadda uu noqdo kan lagu xallinayo mashaakilaadka dalkaasi ka taagan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxweyneyaasha dalalka Jamhuuriyadda Suudaan, Cumar al Bashiir, Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, General Cabdulcasiis Al Sisi, Jamhuuriyadda Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Jamhuuriyadda Kenya, Uhuru M. Kenyatta.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya