4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 18, 2016
Mareykanka: 3 Boolis ah oo la Dilay

Isniin, Luuliyo 18, 2016 (HOL)-Nin hubeysnaa ayaa dilay ilaa  3 askari oo boolis ah magaalada Baton Rouge halka uu dhaawacay 4 kale oo midkood uu garaabato yahay.

Halkaa nin ayaa la xaqiijiyay inuu weerarkaa uu fuliyay asagoo la sheegay inuu ka careysnaa nin halkaa lagu dilay oo madoobaa. Ninkaa ayaa waxaa dilay booliska magaaladaa horaantii bishaan Luuliyo.

Ninkaa askarta laayay ayaa la sheegay inuu ahaa 29 jir madow ah askarina uu ahaa.

Ninkaa weerarka qaaday ee askarta laayay ayaa ugu dambeyntii waxaa toogtay  oo dilay booliska. 

In dhawaaleba waxaa socotay in booliska Mareykanka iyo dadka madow ay is ugaarsanaayeen.

Magaalada Minneapolis ayaa waxaa lagu dilay dhawaan nin madow ah halka dad kale oo madow ahna meelo kale oo dalkaa ah boolisku ku dilay.

Intaa kadib dhowr askari oo boolis ah oo caddaan ah ayaa lagu dilay Dallas Texas oo Mareykanka ka tirsan.

Sidoo kale ayaa waxaa socday mudaaharaadyo looga soo horjeedo dilalka dadka madow.


Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]