4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 18, 2016
Baasaboorka Cusub ee Afrika oo Xarigga Laga Jaray

Isniin, Luuliyo 18, 2016 (HOL)-Shirka madaxda Afrika ee kasoconaya caasimada Rwanda ee Kigali ayaa waxaa lagu furay xarigga ka jarida baasaboorka cusub ee qaarada.

Baasaboorkaa oo ah nooca e-passort ayaa waxaa labadii ugu horeysay la siiyay madaxweynaha Chad Idris Deby iyo madaxweynaha Rwanda Paul Kagame. Idris Deby ayaa asagu dhunkaday baasaboorkaa markii sidaa loo siiyay.

Shirka madaxda Afrika ee haatan soconaaya ayaa ah kii 27aad ee ceynkiisa ah.

Baasaboorka cusub ee qaarada ayaa dadka ugu horeynba guddoomi doona waxay yihiin madaxweyneyaasha, wasiirada arimaha dibada iyo wakiilada joogtada ah ee dalalka ururka midowga Afrika ka tirsan.

Dawladaha dalalka xubnaha ka ah ururka Midowga Afrika ee AU ayaa sanadkii 2014 isku raacay fikirkaa lagu yeelanaayo baasaboorkaa si isu socodka dadyowga dalalka Afrika loo fududeeyo.

Arimaha kale ee shirka looga hadlayo ayaa waxaa kujira dagaalka Koofurta Suudaan, arimaha Soomaaliya iyo Burundi iyo doorashada guddoomiye cusub oo ururka midowga Afrika uu yeesho oo badala Nkosazana Dlamini Zuma oo ah haweyneyda haatan jagadaa wareejineysa.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]