10/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 11, 2016
Golaha Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan oo Qaadacay Shirka ka Furmay Magaalada Jowhar


Isniin, Janaayo 11, 2016 (HOL) — Nabaddoon Shuuriye Xuseen Xaayoow oo odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ka mid ah, isla markaana ah guddoomiyaha odayaasha dhaqanka mid ka mid ah beelaha dega gobolka Hiiraan ayaa Warbaahinta u sheegay in ay qaadaceen ka qayb-galka shirka degmada Jowhar ee lagu dhisayo maamulka labada gobol Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Nabadoon Shuuriye oo ka mid ahaa odayaashii degmada Beledweyne kulanka kula qaatay madaxweynaha Somalia oo ay isku afgareen in shirku ka furmo magaalada Jowhar, ayaa go'aankan danbe ku micneeyay dareen ka yimid bulshada ku dhaqan gobolka oo sidda uu hadalka u dhigay siweyn uga biyo diidan ka qeyb-galka shirka Jowhar & dowladda oo ka baxday ballamo ay horay u wadda-galleen oo la xiriira ka qeyb-galka shirka Jowhar.

''Go'aan aan qaadanay waa mid ku saleysan dareenka iyo bulshada aan innagu hoggaanka u nahay oo diiddan ka qeyb-galka shirka Jowhar iyo madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka baxay balamo aan horay u galnay, sidaa darteed mar haddii bulshadii aan hoggaanka u aheyn ay kasoo horjeesatay ka qayb-galka shirka Jowhar, madaxweynahana uu ka baxay ballamihii aan isku ogeyn, waxaan halka ka cadeynayaa in aan qaadacnay ka qeyb-galka shirka Jowhar aniga oo ku hadlay afka beesha'' ayuu yiri nabadoon Shuuriye.

Magaalada Jowhar ayaa waqtigan waxaa ka soconaya diyaar -garoow ballaaran oo loogu jiro furintaanka shirweynaha dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Shabeellada dhexe, waxaana magaalada ku sii qul-qulaya wafuud ka tirsan labada golle ee dowladda kuwaa oo hor u dhac wafuud kale oo la filayo in saacadaha soo socda gaaraan magaalada.

Warkan kasoo baxay odayaasha dhaqanka & waxgaradka beesha Xawaadle ayaa noqonaya caqabad kale oo soo food-saari karta qabsoomidda shirka dhismaha maamulka labada gobol, lamana oga go'aanjka dowladda federaalka Somalia ay ka qaadan doonto arintan.

Ugu dambeyn, horay waxaa ka qeybgalka shirka Jowhar lagu qabanayo u qaadacay golaha ay ku mideysan yihiin odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan oo ka kooban 63-oday, kuwaa oo ku tilmaamay Wareegtada madaxweynaha ee ah in shirka ka furmayo Jowhar mid lagu deg-degay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya