10/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 23, 2016
Bandhigii ugu horeeyay ee buugagta oo lagu qabtay magaalada Beledweyne [Sawiro]

Jimco, December,  23. 2016 (HOL) -  Magaalada Beledweyne waxaa lagu soo gabagabeeyay bandhigii  ugu horeeyay buugaag ay qoreen dhalinyaro da’yar ah oo Soomaaliyeed, waxaana ka soo qeyb-gallay mas’uuliyiin iyo dhalinyaro u badan ardeyda wax ka baratay dugsiyada iyo Jaamacada magaalada.

Munaasabadan oo aheyd mid si qurux  badan loo soo agaasimay ayaa waxaa sii bilay ka qeyb-galayaasha oo u arkayay arintan in tahay mid sare u qaadeysa aqoonta iyo wacyiga bulshada, iyaga oo mid mid isha u mariyay
buugaagtii goobta lagu soo bandhiga.

Ugu danbeyntii, waa bandhigii Afaraad oo lagu qabto Soomaaliya iyadoo saddex jeer lagu qabtay magaalada Muqdisho sida u sheegay agaasamaha bandhiga buugagta Faarax Muxumed Xiirane ( Faarax Lamaane)

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]