11/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 26, 2016
Madaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Talyaaniga (SAWIRRO)

Isniin, September 26, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh, ayaa maanta Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ka Guddoomay Safiirka cusub ee Talyaaniga u Fariisan doona Soomaaliya.

Xasan Sheekh iyo Danjiraha dalka Taliyaaniga Carlo Campalina oo beddelaya safiirkii hore ee Talyaaniga ayaa yeeshay kulan, kaasoo ay Diirada ku saareen xiriirka u dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa maadaama Soomaaliya iyo Talyaaniga uu ka dhexeeyo xiriir taariikhi ah, Waxaana la isku soo qaaday in la Xoojiyo Taageerada ay Dowladda Talyaanigu siiso DF Soomaaliya iyo Maashaariicda Cusub ee ay ka ulinayso Waddanka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa uga mahad-celiyey Dowladda Talyaaniga sida ay u Garab-taagan tahay Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Wuxuuna ka Dalbaday in ay kordhiyaan taageeradooda.

Dhanka kale Wasiirka ku xigeenka arrimaha dibadda Somalia Axmed Cali Kadiye oo shirka goob-joog ka ahaa, ayaa xusay in kulanka Waxyaabaha looga hadlay ay ugu Muhiimsaneyd in danjiraha cusub shaqadiisa lagu gacan siiyo, Xukuumadda Talyaanigana ay ka qayb-galka Horumarka Soomaaliya sii waddo.

Ugu dambeyn, Safiirka Talyaaniga Carlo Campalina ayaa isaguna sheegay inuu ku faraxsan yahay in loosoo magacaabo Danjiraha Waddankiisa ee Somalia, isla markaana uu Dowladda iyo Shacabka Talyaaniga ay billaabi doonaan Mashaariic Horumarineed oo lagu Taageerayo Soomaaliya.



Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya