10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 25, 2016
Dagaal khasaare badan dhaliyay oo Maamulka Koonfur-galbeed iyo Al-shabaab ku Dhexmaray Iidaale
/images/2016/May/2016513635987442326953667Dagaal_Gobolka_Hiiraan_Somalia_660.jpgAxad, September 25, 2016 (HOL) — Ugu yaraan 10 qof oo dhinacyadii dagaalamay ka mid ah ayaa ku dhintay, tiro ka badan intaasna way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidamada Koonfur-galbeed iyo xoogaga Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Iidaale ee Gobolka Bay.

Dagaalkan ayaa qarxay, kaddib markii ciidamada maamulka Koonfur-galbeed ay ku qadeen weerar fariisimo ay Al-shabaab Iidaale ku lahayd, iyadoo Dagaalku uu socday mudo dhawr saacadood ah.

Sidoo kale, Jen. Ibraahim Yaroow oo ah taliyaha ciidanka xooggad daka Qaybta 60-aad ee Dowladda Somalia ayaa xaqiijiyay Dagaalka ay ku dileen Al-shabaab ka tirsan, laakiin ma uusan sheegin khasaaraha dhankooda soo gaaray.

Dhanka kale, taliye ku-xigeenka Booliiska maamulka Koonfur-galbeed Somalia, Maxamed Isaaq Cara-Cas, ayaa sheegay in Weerarkaas uu ahaa mid aan lagu sii Talo-gelin, uuna ahaa Dagaalku ahaa mid ay Al-shabaab uga saarayaan deegaanada ay gacanta ku hayaan.

“Ciidanka Koonfur-galbeed waxay weerar Qorsheysan oo gaadmo ah ku qaadeen saldhigyo ay Al-shabaab ka lahaayeen Deegaanka Iidaale, iyaga ma filayn, Waxaana Dagaalkaas uga dilnay illaa toddoba ruux,” ayuu yiri Maxamed Cara-cas.

Ugu dambeyntii, Al-shabaab ayaan weli ka Hadlin Dagaalkaan la sheegay in uu Iidaale ku dhexmaray Xoogaggooda iyo Ciidamada Maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya