Madaxweynaha oo boqollaal dad ah kula tukaday Masaajidka Isbahaysiga Islaamka (SAWIRRO)
Isniin, September 12, 2016 (HOL) —
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max'uud ayaa Boqollaal Dadweyne ah Salaadda Ciidul-Adxa
kula Tukaday Masaajidka isbaheysiga Islaamka ee Muqdisho.
Waxaa Salaadda ciidda kasoo
qayb-galay guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari),
Ra’iisul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, xubno ka tirsan golayaasha
Dowladda Somalia iyo qaar ka mid ah Madaxweyniyaasha Maamul-goboleedyada dalka.
Madaxweyne Xasan
Sheekh oo Salaadda, kaddib khudbad dheer ka jeediyay ayaa ka hadlay arrimo
badan oo xaaladda waddanka la xiriira, gaar ahaan amniga, siyaasadda iyo Arrimaha
Bulshada.
“Waxaa inagu soo fool leh
shir madaxeed muhiim ah oo qabsoomidiisa ay ka tarjumeyso dib u soo noqoshada
sumcaddii iyo sharaftii aan ku lahayn gobolka iyo caalamka intiisa kale. Waa
markii ugu horreysey ee madaxda Ururka IGAD ku kulmaan Somalia tan iyo markii
la aasaasay 1986-kii,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo xusay in tallaabooyinka
la qaaday ee lagu xaqiijinayo qabsoomidda shirkan waxaa ka mid ah adkeynta
amniga magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan ayaa intaas
ku daray. Shacabka Soomaaliyeed waxaan uga mahad-celinayaa sida wanaagsan ee ay
ula shaqeeyaan laamaha aamniga, waayo inta badan guulaha la gaarey suurtagal ma
ahayn in la gaaro haddii aan shacabka laga helin gacan.
Dhanka kale doorashooyin
taariikhi ah ayaa ka dhacaya dalkeena sannadkan, kuwaas oo aan dhammaanteen
diyaargarow buuxa ugu jirno. Waqtigu waa ciriiri, laakiin waxaan idin
xaqiijinayaa in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad
goboleedyada ay ka go’an tahay xaqiijinta inay doorashooyinkaasi qabsoomaan.
Doorashooyinkan waa tijaabo
ama hal-beeg uu caalamku ku tijaabinayo biseylka iyo weliba Horumarka
aan ka gaarney dib u soo kabashada, Colaaddii dheereyd kadib. Haddii aan ku
guuleysano doorashooyinkaasi waxay ka dhigan tahay Soomaaliya oo dhan oo
guuleysatey, gobolka Geeska Afrika oo guuleystey iyo caalamka oo iyaguna
guuleystey.
Mar uu ka hadlay dib u
heshiisiinta iyo midnimada dalka waa muhimadda koowaad ee aan ku soo
shaqeyneynay afartii sanno ee la soo dhaafay, taas ayaana ugu weyneyd sababihii
aan u abuurnay madasha hoggaamiyeyaasha qaranka.
Xasan ayaa
xusay inay dhallinyaradu ka waantoobaan dadka caadeystay inay ummadda rajo
la’aan dhigaan, isagoo sheegay in loo baahan yahay in qofka aan wax wanaagsan ummadda
u sheegeyn uu aamuska door-bido.
Ugu dambeyn, Madaxweyne
Xasan ayaa ka hadlay Shirka Madasha ee Muqdisho ka socda, isagoo sheegay in
shirka ay uga hadlayaan maslaxadda Somalia, isla mar ahaantaana marka la soo
gabagabeeyo ka soo saari doonaa go’aamo muhiim u ah dowlad dhisidda Soomaaliya.
Ciiddan ayaa
kusoo beegantay iyadoo inta badan Waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ay u xiran yihiin Diyaar-garoowga Xukuumadda Somalia ay ugu jirto qabashada
shirka IGAD.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya