1/5/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 29, 2016
Madaxweyne Siilaanyo iyo RW Itoobiya oo kawada hadlay Arrimo ku saabsan Xoojinta Ammaanka


Sabti, Oktoobar 29, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Max'ed Siilaanyo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa kawada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa xoojin amniga Somaliland iyo Itoobiya, kaddib kulan ay ku yeesheen Addis Ababa.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dibadbaxyo rabshodo wata ay ka taagan yihiin xilligan dalka Itoobiya, kuwaasoo sababay in xukuumaddu ay dalkaas kusoo rogto xaalad deg-deg ah oo soconaysa muddo lix bilood ah.

RW Itoobiya, ayaa ka dalbaday madaxweynaha Somaliland, inay gacan ka geysato sidii loo adkeyn lahaa amniga mandiqadda, isla markaana ay si wadajir ah uga shaqeeyaan nabad-galyada labada dhinac.

Dalka Itoobiya ayaa waxaa dibadbaxyo ka wada qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada oo kasoo hor-jeestay go’aanno ay dowladdu ku doonaysay inay dhul deegaannadooda ka goyso, kuwaasoo ay ku tilmaameen xad-gudub ka dhan ah maamul-goboleedyadooda.

Inkastoo aysan jirin warbixin faahfaahsan oo ku aadan safarka madaxweyne Siilaanyo, ayaa hadana waxaa safarkiisa ku wehlinaya guddoomiyaha xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye, Muuse Biixi iyo xubno kale.

Xukuumadda Itoobiya ayaa waxay saameyn weyn ku leedahay maamullada ka jira, sida Somaliland, Puntland iyo kuwa kale ee dalka ka jira, iyadoo inta badan siyaabo kala gooni-gooni ah ula kulanta madaxda maamulladan.

Ugu dambeyn, Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Koonfurta iyo Bartamaha dalka Somalia ayaa waxay billaabeen inay deegaannadii ay ku sugnaayeen qaar ka mid ah banneeyaan, taasoo sal u ah qalalaasaha ka jira dalkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya