4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 23, 2016
MADAXWEYNAHA HIR-SHABEELLE: Ma ahaN in la buun-buuniyo Aragti Shaqsi ah mana jirto...


Axad, Oktoobar 23, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Hir-shabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo shalay lagu Caleemo-saaray magaalada Jowhar oo wareysi gaar ah siinayay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa ka hadlay aragtida Ugaas Xassan ee maamulka uu madaxweynaha ka yahay.

''Ugaas Xasan waa Ugaaskeygii, waana waajib in aan mar kasta is-aragno oo aan wada-hadalno, dabcan anniga iyo Ugaaska waxa aan ku wada hadalnay ma'aha in aan si furan warbaahinta ula wadaago, laakiin wax dhib ah ma jiraan, mana arag ilaa hadda wax uu diidan yahay, kaliya dooddiisa waxaa ay tahay in bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan  xuquuq ka maqan tahay, annaga ayeeyna tahay in aan xuquuqdaa raadino,'' ayuu yiri Cali C/llaahi.

Cali C/llaahi, ayaa meesha ka saaray inay jiraan siyaasiyiin diidan maamulka uu isagu ka yahay madaxweynaha madaxweynaha oo sida uu hadalka u dhigay lagu soo doortay si xor ah.

''Khaliif aan anniga ogahay oo maamulkan ka taagan ma jiro, mana ahn in la buun buuniyo aragti shaqsi ah, dadkuna isku wadda fikir ma'aha, dowladda dhexe ee dalka maanta ka jirtaba dad ayaa diidan'' ayuu yiri Cali C/llaahi.

Mar wax laga weydiiyay halka lagu soo xullayo xildhibaannada aqalka sare ayuu sheegay in sidda sharcigu yahay lagu soo xuli doono magaalada Jowhar oo ah ayuu yiri xarunta maamulka Hir-shabeelle.

''Siyaasiyiinta xil doonka ah waxaan leeyahay halkan ha yimadaan, wax dhib ah ma jiraan, anniga ayaa reer Hiiraan ah, cid cid kale dulmin karta ma jirto'' ayuu yiri Cali C/llaahi Cosoble .

Ugu dambeyn, Hadalka Cali C/llaahi Cosole ayaa imanaya kaddib shir jaraa'id oo maalintii shalay Ugaas Xassan Ugaas Khaliif uu ku qabtay magaalada Beledweyne, isaga oo sheegay in uusan aqoosaneyn maamulka Hir-shabeelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya